ISIS oo xaqiijisay inuu dhintay wasiirkoodi dagaalka

25-Shishani

Kooxda isugu yeerta dowladda Islaamka ayaa xaqiijisay in uu dhintay mid ka mid ah taliyayaashooda ugu sareeya oo la yiraahdo, Cumar Shishani.

Wakaalad wararka ka shaqeysa, oo xiriir la leh kooxdan, oo la yiraahdo Amaq, ayaa sheegtay in Shishani, oo ay horay ugu tilmaameen aqalka Maraykanka looga arrimiyo ee Pentagon-ka in uu yahay ‘wasiirka dagaalka’, lagu dilay dagaal ka dhacay dalka Ciraaq, magaalada Shirqat oo dhinaca koonfureed ka xigta Mosul.

Ninkan ayaa loo yaqaanay Cumar Chechen, Shishani waxa uu ahaa qaqable dagaal oo dagaallo adag la galay Ruushka.

Dhowr jeer oo hore ayaa la sheegay in uu dhintay.

Bishii Maarso saraakiil milateri oo Maraykan ah ayaa sheegay in lagu dilay duqeyn ay diyaaradaha dalkaasi ka geysteen dalka Suuriya.

Sarkaalkan sare ayaa ka mid ahaa hoggaamiyayaasha kooxda dowladda Islaamka oo si aad ah uu u doondoonayay Maraykanka, iyaga oo madaxiisa horay u dul dhigay shan million oo doolar.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post