Home.Warka

Banaanbax looga soo horjeedo Afgambiga fashilmay ee Turkiga oo ka socda Muqdisho.

Like Tweet Pin it Share Share Email


Muqdisho -Waxaa iminka ka socda Taalada Daljirka Daahsoon ee magaalada Muqdisho banaanbax balaaran oo looga soo horjeedo isku daygii fashilmay ee la doonayey in lagu afgambiyo dowlada sharciga ah ee dalka Turkiga.
Banaanbaxa oo hada socda waxaa ka qeyb galaya qeybaha kala duwan ee shacabka gobolka Banaadir, oo muujinaya sida ay uga xun yihiin isku daygaasi, iyo sida ay u taageersan yihiin dowlada sharciga ah ee dalka Turkiga.
Masuuliyiin katirsan dowlada Turkiga, wasiiro, xildhibaano, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho iyo shacab fara badan ayaa ka qeyb galaya banaanbaxa ka socda magaalada Muqdisho.
inta badan goobaha ganacsi ee Muqdisho ayaa saakay xiran, dadka ayaana si iskood ah uga qeyb galaya banaanbaxa ka socda Muqdisho si ay u muujiyaan garab istaaga shacabka iyo dowlada Turkiga.
Waxaa la arkayaa shacab badan oo sida calanka dalka Turkiga iyo sawirada madaxweyne Erdogan sida uu soo sheegayo wariye Nuur Siciid Tahliil oo ku sugan Daljirka.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *