Sargaalka hogaaminayey Afgambigii dhicisoobay ee Turkiga oo la ogaaday.

Istanbul -Wakaalada wararka Turkiga ee Anadolu ayaa soo bandhigtay magacaga Sarkaalka hogaaminayay isku daygii afgambi ee dhicisoobay, kaasi oo lagu sheegay Colonel Muharrem Kose.


754 askari oo lagu eedeeyey in ay ku lug lahaayeen qorshaha afgambi ayaa xabsiga la dhigay sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalka Turkiga.
Booliska iyo Sirdoonka oo gacan ka helaya Shacabka Turkiga ayaa xalay bilaabay inay xir xiraan ciidamadii ka qeyb qaadanayay isku dayga afgambiga fashilmay, iaydoo shacabka Turkiga ay muujiyeen geesinimo oo ay ku bad baadiyeen dowladooda.
Wali si dha ah looma cadeyn inuu Colonel Muharrem Kose uu ku jiro saraakiisha la xir xiray, balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu sarkaalkan uu iminka yahay baxsad.
Telefishinka Qaranka oo ay xalay qabsadeen Ciidamada afgambiga damacsanaa ayaa lasoo sheegayaa in uu hawada dib ugu soo laabtay.
Colonel Muharrem Kose ayaa waxaa horay looga eryay ciidamada, kadib markii lagu helay inuu taageero wadaadka Fethullah Gulen, kaasoo dowladda ku eedeysay inuu ka dambeeyay afgambiga.
Madaxweynaha Turkiga ayaa hada shir guddoominaya kulan deg deg ah oo uu isugu yeeray Golihiisa Wasiirada, kaasoo looga hadlayo xaalada soo food-saaray Turkiga.
Xaalada Turkiga ayaa caadi ku soo laabaneysa, iyadoo dadweynaha Turkiga ay waddooyinka isugu soo baxeen, iyagoo difaacaya dowladooda sharciga ah.
Madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa cambaareeyay isku dayga afgambiga, waxaana uu taageero u muujiyay dowlada la doortay iyo dimoqraadiyada.

Share this post

Post Comment