Afar kamid ah Saraakiishii qaarajin rabtay madaxweyne Erdogan oo la qabtay

image

Ciidamada ammaanka ee dalka Turkiga, ayaa waxay gacanta ku dhigeen afar ka mid ah Saraakiishii Militariga, ee ku fashilmay afgambigii ay ku doonayeen inay kursiga kaga tuuraan Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdo─čan.

General Gokhan Sahin Sonmezates, Hasan Arslanbay iyo Ali Saribey, ayaa waxaa siyaabooyin kala duwan looga soo qabtay Gobolka Mugla.

Saraakiishaan, ayaa waxaa loo kaxeeyay Gobolka Aegean, iyadoona lagu xiray xabsi ku yaala Magaalada Izmir, waxaana la bilaabay baaritaano wax looga weydiinaayo Saraakiishii kale ee weerarka ku wehlineysay.

Serkan Elci oo ka mid ah Saraakiisha la doon doonaayo, ayaa Khamiistii waxaa uu iska dhiibay Xarunta Booliska ee Magaalada Izmir, waxayna ka dhigan tahay in la qabtay afar ka mid ah Saraakiisha halista gelin gaartay nolosha Madaxweynaha Turkiga iyo qoyskiisuba.

Madaxweynaha iyo qoyskiisa oo 15-kii bishaan fasax u joogay hotel ku yaala Magaalada Marmaris, ayaa lagu soo weeraray diyaarad helicopter ahayd, wax yar uun ka dib markii ay ka taggeen hotelkaasi, Madaxweynaha waxaa uu xilligaa uu u amba baxay Magaalada Istanbul.

image

image

Share this post

Post Comment