Ex-Xildhibaan Saalax badbaado oo la sheegay in uu ahaa ninkii fuliyey qaraxii agagaarka garoonka diyaaradaha.

xildhiban

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ex- Xildhibaan Saalax Badbaado oo ka mid ahaan jiray  xildhibaanadii baarlamaanka KMG uu ahaa ninkii fuliyay weerarkii is qarxinta ahaa ee ka dhacay aga-gaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan cadde.

Ka hor inta uu is qarxin Saalax Badbaado ayuu kaga hadlay weerarka uu fulinayo iyo ujeedka uu u socdo cod laga duubay isagoo dar-daaran u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalyahanada ururka Al-Shabaab.

Ex- Xildhibaan Saalax Nuur Ismaaciil oo ku magac dheer Badbaado ayaa ka soo jeeday gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxa uuna sanadkii 2010-ka uu ka goostay baarlamaanaka isagoo ku biray shabaab.

Waa markii ugu horeysay shaqsi ka tirsanaan jiray baarlamaanka Soomaaliya uu qarax ismiidaamin ah ka fuliyo magaalada Muqdisho.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post