Xildhibaan 14 Sano Xarig ah lagu Xukumay.

Abdul Hamid Dashti

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka  dalka Kuweytayaa Maxkamad ku xukuntay 14 sano iyo 6 bilood oo Xarig ah, kadib mrkii lagu eedayay inuu bahdilay sumcadda dalka Boqortooyada Sacuudi Careebiya.

Xildhibankan oo lagu magacaabo Abdul Hamid Dashti, ayaa xukunkan lagu fuliyay isagoo baxsad ah oo ka cararay dalka Kuweyt.

Wakaladda Wararaka iskaashiga  Islamka Iina, ayaa sheegtay in Wasaaradda Arrimaha Dibada ee Kuweyt  ay Garsoorka dalkaasi u gudbisay  24kii bishii febraayo ee Sanadkan Dacwad ka dhan ah Xildhibaanka, iyadoo Baarlamaanka Kuweytna uu Xasaanadii Xildhibaano ka qaaday Abdul Xamiid Dishit.

Share this post

Post Comment