Doorashada Maraykanka:Hillary Cilinton oo aqbashay Musharaxnimada Xilka Madaxweynaha.

doorashada maraykanka

Hillary Clinton ayaa xalay si rasmi ah u aqbashay in ay noqoto musharraxa xisbiga Demoqraaddig u matali doona Doorashada  Maraykanka ee dhici doonta bisha November sanadkan.

Mrs Hillary Clinton waxay  tilmaantay in Wadanka Mareykanka uu yahay Dal hadda lagu xisaabtamo, iyadoo ku baaqeysa in la midoobo, waxayna hadaladeeda ku durtay Niinka ay is hayaan ee musharaxa Jamhuuriga, Donald Trump.

Mrs Cilintyon waxay sheegtay in Wadanka Mareykanka oo si wada jir ah u shaqeeya ay mustaqbal wanaagsan u noqon karaa qofkastaa, waxayna  u mahadcelisay taageerayaasheeda iyo kuwii musharrixii ay ku tartameen doorashada hoose ee Dimuquraadiga, Bernie Sanders.

Mrs Hillary Cilinton waa qofkii dumar ahaa ee ugu horreeyay ee u tartanta xilka Madaxwayninimada Dalka Maraykanka.

Madaxwyanaha xilkka ka sii dagaya ee Dalka Maraykanka Mr Barak Obama ayaa ku baaqay in la doorto Hillary Cilinton, isagoo ku macneeyay in aysan jirin Haween iyo Rag kaga haboon Xilka Madaxtinimada Dalka Maraykanka, ayna mudan tahay in ay xafiiska kala wareeto.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post