Home.Warka

Turkiga: Nigeria iskuullo hanaga xiraan.

Like Tweet Pin it Share Share Email

 

turkigaDawladda Turkiga ayaa Nigeria ka codsatay in ay xirto tiro iskuullo ah oo ay sheegtay in uu leeyahay Fetullah Gulen.

Wadaad kaas waxaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee bishan ka dhacay dalka Turkiga.

Hakan Cakil oo ah Danjiraha Turkiga u fadhiya dalka Nigeria ayaa sheegay in uu codsaday in albaabada loo laabo 17 iskuul.

Turkiga yaa iskuuladaas ku eedeeyay in lacagaha ka soo baxa lagu maalgaliyo falal aan sharciga waafaqsanayn.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii dawladda Soomaaliya ay xirtay iskuullo iyo isbitaallo ay lahaayeen dhaqdhaqaaqa Gulen.

Dawladda Turkiga ayaana soo gudbisay codsiga lagu xiray.

Fetullah Gulen wuu diiday in uu wax lug ah ku lahaa maleegitaanka inqilaabkii dhicisoobay.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *