Weerar xagga Internet-ka ah oo lagu qaaday Hillary Clinton.

House Benghazi Investigation

Murashaxa madaxtinimada dalka Maraykanka u metelaysa Xisbiga Dimoqraaddiga Hillary Clinton, ayaa laga jabsaday cinwaanno ay ku kaydsan jirtay macluumaad sir ah oo ay ka mid yihiin kuwo ku saabsanaa xogaha ololaha doorashada Madaxweyne-nimada ee dalkaasi.

Kooxaha u dhaca xogaha Computerrada ee hackers-ka, ayaa la sheegayaa inay maalmahanba wadeen weerarro is daba joog ah oo lagu ugaarsanayo waaxaha kala duwan ee Xisbiga Dimoqraadiga.

Dowladda Maraykanka ayaa Burcaddan u dhacda Emaillada waxay ku tilmaantay kuwo xiriir la leh Ruushka.

Asaasaha WikiLeaks, Julian Assange, ayaa CNN-ka u sheegay inay dhacdadani tahay loollan ka dhaxeeya labada xisbi ee ku tartamaya qabashada xilka madaxtinimo ee dalka Maraykanka.

Wuxuuse intaa raaciyay Mr;Assange inay hayaan macluumaad badan oo la xiriira ololaha doorashooyinka ee Mss;Clinton.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post