Home.Warka

Ciidamada Sirdoonka dalka Turkiga kuwoodii magaalada Muqdisho yimid oo gacan loo taagay

Like Tweet Pin it Share Share Email

Ciidamo Sirdoon ah oo aad u tababaran ayaa magaalada Muqdisho kaga soo horeeyay madaxweynaha dalka Turkiga iyo wafuudii uu hogaaminayay oo shalay galab ka ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia .

Sirdoonka Turkiga oo dhoor jiho isku kala qeybiyay waxay u badnaayeen kuwa ka hortaga qaraxyada is miidaaminta ah iyo Miinooyinka jidka loogu aaso madaxda Caalamka. Askartaan oo qalab casri ah watay waxay isku kala qeeybiyeen hubinta amaanka wadooyinka u dhaxeeya garoonka Diyaaradaha Aadan Cade ilaa Isbitaal Digfeer .

Ciidamadaan sida qaaska ah u tababaran ayaa sidoo kale waxay gacan weyn ka helayeen ciidamada Sirdoonka dowlada iyo kuwa AMISOM oo garab ahaa . Wadamo badan oo Caalamka ku yaal waliba nabad ah ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca falal qaraxyo qorsheysan ah . Madaxweyne Rajab Tayib Erdogan intii uu magaalada Muqdisho joogay wax rasaas ah lama maqlin, qaraxna warkiisa daayee .

Awooda nuucaan ah ayaa waxeey soo jiidatay indhaha Caalamka maadaama madaxda Aduunka ay imaan karaan saacad walba magaalada Muqdisho oo gashay heerkii ugu sareeyay ee dhanka amaanka iyo nolasha .

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *