Hub lagu qabtay Masjid ku yaala Muqdisho.

 

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgal ay ka sameeyeen Masjid ku yaala degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho waxay ku soo qabteen hub lagu dhex qariyay Masjidka iyo labo qof oo lagu eedeynayo falkaas.

Taliyaha ciidanka booliska ee saldhigga degmada Yaaqshiid  Maxamed Yuusuf  Nuur, ayaa sheegay in hubka lagu dhex qariyay Minaaradda Masjidka, taasoo uu sheegay in boliiska ay ku soo wargeliyeen dadweynaha xaafada.

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir  Bishaar Abshir Geeddi, ayaa isna sheegay in hubka ay ku qabteen Masjidka uu ka mid yahay midka loo isticmaalo  dilalka iyo amni darada ka dhacda magaalada Muqdisho.

Wuxuu sheegay  in hubka uu ka kooban yahay laba bistoolad iyo qasnado iyo rasaas, wuxuuna intaas raaciyay in  baaritaan uu socdo, oo Cadaalada la horgeyn doono kuwa ka dambeeya hubka lagu qariyay Masjidka.

Ciidamada booliska Soomaaliyeed ayaa maalmahan xoojiyay howlgalka lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho, si looga hortago qatarta kooxda Al-Shabaab.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post