Home.Warka

Banaanbaxyo lagu diiddan yahay Trump.

Like Tweet Pin it Share Share Email

trump

Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla Maraykanka, kuwaasoo lagu diiddan yahay doorashada Donald Trump loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka.

Kumanaan qof ayaa hor dhoobtay dhismaha Trump Tower ee New York, kuwaasoo diiddan siyaasadaha Trump ee dhanka soo galootiga, xuquuqda nimow naagga, iyo xuquuqda dhalmada.

Kumanaan kale ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Chicago, Philadelphia iyo San Francisco. Portland, Oregon, dad mudaaharaadayey ayaa muddo yar waxay xireen waddo weyn oo gawaaridu marto.

Dadka mudaaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen ‘ma aha madaxweynahayga’, kalmadaasoo aad looga isticmaalayo baraha bulshada.

Trump wuxu galinka dambe la kulmi doonaa Madaxweyne Obama.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *