Clinton oo guuldaradeeda ku eedeysay madaxa FBI-da James Comey.

Haweeneydii laga guuleystay ee Hillary Clinton ayaa guul daradii ay kala kulantay tartankii madaxtinimo ee dalka Maraykanka ku eedeysay madaxa FBI-da James Comey.

Clinton ayaa sheegtay inay hogaanka doorashada haysay tan iyo markii uu madaxa FBI-du uu warqad u diray Congresska, taasi oo uu ku sheegay inay jiraan email-lo cusub oo ku aadan Clinton oo la helay.
Taageerayaasha xisbiga Jamhuuriga ah iyo ololeyaasha Trump ayaa helay warkii FBI-da kadib ka dhigtay arin lagu ololeyn karo taasi oo kaliftay in Clinton ay waydo taageerayaal badan

.

Donald Trump ayaa ku guuleystay loolankii madaxtinimo ee dalka Maraykanka isagoo helay codadka guud 276, halka Hillary Clinton ay heshay 228.
Mudaharaadyo ay ka qayb galayaan dad aad u badan ayaa ka socda dalka Maraykanka, kaasi oo ay dadku uga soo horjeedaan guusha Trump. Waxaana dadka siyaasada falanqeeya sheegayaan in isu-soo baxyadani ay khatar ku yihiin madaxtinimada Trump.

Share this post

Post Comment