Home.Warka

Ganacsade Abdi “Gurhan” Mohamed Oo Isu Taagay Gudoonka Minneapolis Park and Recreation Board.

Like Tweet Pin it Share Share Email


Minneapolis: Ganacsade Abdi “Gurhan” Mohamed ayaa munaasabad ka dhacday magaalada Minneapolis kaga dhawaaqay inuu yahay murashax u taagan gudoonka goobaha nasashada iyo jardiinooyinka degmada Sadexaad (Minneapolis Park and Recreation Board District 3). 

Munaasabadaan ayaa waxaa kasoo qaybgalay siyaasiyiin laga doorto Minneapolis, Culumaa’udiin, dhalinyaro, haween iyo qaybaha kala duwan ee mujtamaca kudhaqan magaalada Minneapolis.

Gudoomiyaha degmada 6’aad ee Minneapolis Abdi Warsame, Gudoonka waxbarashe Minneapolis Mudane Siad Ali, Sheikh Abdiqani Qardhawi, Gudoomiyaha Jaaliyada Somaalida Mudane Mohamud Nur, Gudoomisada ururka Ummah Project Saido Shaie, Gudoomiyaha Jaaliyada Jubaland Mudane Abdiwali, Cornel Maxamuud Cali Ciid oo dhamaantood goobtaasi kahadlay ayaa waxay sheegeen in Abdi “Gurhan” Mohamed uu xilkaasi u qalmo ayna garab istaagayaan.
Mudane Abdi “Gurhan” Mohamed oo goobtaasi khudbad soo jiidatay shacabka ka jeediyey ayaa sharaxay sababta uu xilkaan isu taagay iyo aragtidiisi fog ee ku aadan goobaha nasashada iyo jardiinooyinka.

“Kadib markii aan in badan u kuur galay, kadib markii aan in badan u tala urursaday, kadib markii aan in badan qorshe aan dhigay jaan go’an. Anigoo ah ganacsade, aabe ku dhaqan xaafada Cedar oo ka mid ah meelaha habacsanida ay ka jirta qaybta aan u loolamayo, ayaa waxaan go’aansaday inaan isu soo taago wax ka qabashada iyo haqabtirka goobaha nasashada iyo seerayaasha degmada sedexaad ee magaalada Minneapolis, ayuu goobtaasi ka yiri Abdi Gurhan Mohamed. 

Abdi Gurhan Mohamed ayaa ah aqoonyahan ku takhasusay maareynta ganacsiga islamarkaana ah mulkiile dhowr ganacsi ku yaala degaanka uu ka tartamaayo. Waa shaqsigii ugu horeeye Somaali ee isu taaga xilkaasi ay doorashadeedu tahay sanadka soo socdo.

Comments (0)

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *