Maraykanka: Xisbi mucaarad ah oo dalbaday in codadkii laga dhiibtay Winsconsin dib loo tiriyo.


Xisbiga Green Party ee dalka Maraykanka ayaa si rasmi ah u codsaday in dib loo tiriyo codadkii doorashada madaxtinimada ee laga dhiibtay gobolka Wisconsin oo Donald Trump guushu ku raacday tiro aan badnayn.

Saraakiisha gobolkaas ayaa sheegay in ay u diyaar garoobayaan in ay codsigaa fuliyaan. Xisbiga Green Party wuxu sidoo kale rajaynayaa in tallaabadoodani keeni doonto in dib loo tiriyo codadkii laga dhiibtay gobollada Pennsylvania iyo Michigan.

Warbaahinta Maraykanka ayaa sheegtay in musharaxii madaxtinimada ee xisbiga Green Party, Jill Stein, ay doonayso in la xaqiijiyo in aan dadka kombuyuutarrada jabsadaa codadka u xadin Mr Trump.

Natiijada saddexda gobol ka soo baxday ayay noqonaysaa in dib loogu noqdo tirintooda taas oo bedeli karta natiijadii hore u soo baxday, haseyeeshee dadka odorosa siyaasadda Maraykanku waxay leeyihiin waa tallaabo sida ay u suurto gashaa adagtahay.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post