Abdul Razak Ali Artan: Nin Somali ah oo weerar ku Qaaday jaamacad ku taala Ohio.

abdul-razak-ali-artan

Weerar ka dhacay Jaamacadda Ohio State University ee magaalada Columbus ayaa wararka nasoo gaadhaya sheegayaan in lagu tuhunsan yahay inuu ka dambeeyey qof Soomaali ah.

Ninkan Soomaaliga ah ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu baabuurka uu watay uu dadka jiidhsiiyo kadibna isaga oo mindi wata uu galay jaamacadda isla markaana dhowr qof uu toorriyeeyey.

Ninka ka dambeeyay weerarka ayaa Ahaa arday dhigananayay isla Jaamacada , Magaciisa waxaa lagu sheegay Abdul Razaq Ali Artan 

Mid ka mid ah hoggaamiyayaasha bulshada Soomaalida ayaa sheegay inay soo waceen qoys sheegaya in gurigooda ay soo galeen xubno ka tirsan booliiska iyo FBI-da kadibna ay bilaabeen inay qoyska mid-mid u waraystaan.

Ilaa haatan booliiska ayaan si rasmi ah u shaacin magaca qofka weerarka lagu tuhunsan yahay iyo ujeeddada weerarka ka dambaysa toona.

Sucaad Cusmaan oo ka mid ah ardayda jaamacadda dhigata ayaa ka warrantay dareenkeeda xilliga weerarku dhacay waxayna sheegtay inay cabsiweyni gashay isla markaana ay ku sugnayn maktabadda jaamacadda.

Waxay sheegtay in booliisku ay goor dambe fasaxeen dadkii ku sugnaa jaamacadda inay baxaan, waxaana lagu dhowaaqay in jaamacaddu xidhan tahay.

Share this post

Post Comment