Diyaarad ay koox kubadeed oo reer Brazil ah saarnaayeen oo burburtay.

img_0039

Diyaarad ay saarnaayeen 81 ruux oo ay ka mid ahaayeen koox kubadeed oo reer Brazil ah ayaa dhacday iyada oo ku sii dhaw magaalada Medellin ee dalka Colombia, sida ay saraakiishu sheegeen.

Ilaa iyo hadda ma cadda macluumaadka ku saabsan burburka diyaaradda laakiin waxaa jira warar sheegaya in ay jiraan dad ka badbaaday shilkaas.

Diyaaradan oo ka soo duushay Bolivia waxay waday qaar ka mid ah xubno ka mid ah kooxda kubadda cagta ee Chapecoense sida ay saraakiisha garoonku sheegeen.

Kooxdaasi waxay ciyaarta kama dambays ah ee koobka Chapecoense la dheeli lahayd kooxda Atletico Nacional.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post