Telefoonkii Hitler oo $243 kun oo dollar lagu iibsaday.


Telefoon uu isticmaali jiray hogaaamiyihii Nazi-ga Adolf Hitler, xilligii uu socday dagaalkii labaad ee dunida ayaa lagu gaday $243 kun dollar.
Telefoonkaas ayaa si xaraash ah loo geeyay suuq ku yaalla dalka Mareykanka.
Qofka iibsaday telefoonkaas magaciisa lama shaacin, waxaana la sheegay inuu ahaa qof telefoon u diray wakiilladii xaraashayay.

Qiimaha oo gorgortan la geliyay ayaa waxa uu ka bilowday $100 kun oo dollar, ka dibna sare ayaa loo qaaday.
Telefoonkan gaduudan oo calaamadda Nazi-ga ay ku xardhan tahay ayaa 1945-tii laga helay dhufeystkii Hitler ee Berlin.

Ciidamadii midowgii Soviet ayaa waxa ay telefoonkaasi siiyeen sarkaal ka mid ahaa ciidamadii Britain, Sir Ralph Rayner.
Si hadiyad ahaan ah ayuu ku helay ka dib markii Jarmalka la qabsaday.
Qof ka mid ah masuuliyiintii meesha telefoonka lagu iibiyay, ayaa sheegay inuu ahaa “habka wax burburiya”.
Waxay tilmaameen in Hitler telefoonka uu amarro ku siin jiray ciidamada dagaalka ku jiray ee “dadka badan laayay”.
Waxaa telefoonka suuq geeyay wiil uu dhalay askerigii hadiyadda ku helay.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post