Macallimiin laga afduubay xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.


Wararka ka imaanaya xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa sheegaya in laba macallin oo aan Soomaali ahayn laga afduubtay.

Macallimiintaas ayaa la afduubay xalay, sida ay sheegayaan goobjoogayaal.

Waxaa laga kexeystay gurigooda oo ku yaalla xerada Xagardheer, Waxaana weerarka ka dambeeya koox aan la garan illaa iyo hadda.
Waxaa la aaminsan yahay in dhanka Soomaaliya loo kexeystay macallimiinta la afduubay.

Waxay macallimiin ka ahaayeen iskuul gaar loo leeyahay oo ku yaalla xerada qaxootiga ee Xagardheere.
Dowladda Kenya iyo laamaha amniga ayaan weli cadeyn afduubkan laga soo sheegayo Xagardheere.
Arrintan ayaa imaanyso ayadoo Kenya ay wado olole ay ku xireyso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
Waxay dowladda Kenya ku doodeysaa in amni xumo ay sababeen xeryahaasi oo ay ku jiraan boqollaal kun oo qof oo u badan Soomaali.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post