Al-Shabaab oo “57 looga dilay” Afmadow.


War saxaafadeed ay soo saareen ciidamada Kenya ayay ku sheegeen in Al-shabaab ay 57 dagaalyahan kaga dileen weerar ay ku qaadeen saldhig kooxda ay ku leheed nawaaxiga Afmado.
Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay weerarka u adeegsadeen madaafiic iyo diyaarada, kaas oo lagu qaaday meel loogu magacdaray Subow.
Goobtaasi la weeraray ayaa qiyaastii 31km dhanka Woqooyi-Galbeed kaga beegan degmada Afmadow.
Ciidamada Kenya ayaa sheegay in ay hub iyo gawaari badan sidoo kale ku baabi’iyeen weerarka.
War saxaafadeedka ka soo baxay ciidamada Kenya aya sidoo kale lagu xusay in “KDF ay sii wadidoonaan dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab”.

“Waan feejigannahay, waana sii wadeynaa baacsiga aan ku hayno argagixisada”, ayaa lagu sheegay warka ay ciidamada Kenya soo saareen.

Barta Twitter-ka ee AMISOM ayaa sidoo kale lagu xaqiijiyay weerarkaasi la sheegay in 57 looga dilay Al-Shabaab dagaalyahanno badanna looga dhaawacay.
“Ugu yaraan 57 argagixiso ah, gawaaridooda iyo qalabkooda ayaa la baabi’iyay, waxaanna la soo qabtay hub badan”, ayaa lagu qoray Twitter-ka AMISOM.
AMISOM ayaa sheegtay in ayagoo kaashanaya ciidamada Soomaaliya ay dalka “ka sifeyn doonaan Al-Shabaab.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-Shabaab oo ay ku beeninayaan ama ku xaqiijinayaan weerarka.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post