Aabbe iyo gabdhihiisa oo isku jaamacad dhigta. 


Jaamacadda ummadda oo ku taalla magaalada Muqdisho ayaa waxaa wada dhigta aabbo iyo afar gabdhood oo uu dhalay, kuwaasoo hal meel wax ka wada barta.
Aabbahan oo lagu magacaabo Yuusuf Aybakar Shadoor ayaa dhawaan waxbarashada dib u bilaabay, ka dib markii sida uu sheegay ay ka kala go’day burburkii ka hor, waxaana isla jaamacadda uu wax ka barto iyaguna dhigta gabdho uu dhalay.

Yuusuf Aybakar Shadoor iyo gabdhihiisa waxay u warameen weriyaha BBC-da Axmed Xaaji oo ka waraystay waxbarashadooda.

Halkan ka dhageeyso Wareeysiga 

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post