Markab uu Imaaraadka Leeyahay oo Soomaaliya lagu afduubtey.

Markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta ayaa lagu afduubtey xeebaha Puntland, Soomaaliya, wararkuna waxa ay sheegayaan in lala aaday dhankaasi iyo Raas Caseyr.


Ragga afduubka geystey ayaa ku joogay labo doonyood oo kuwa dheereeya ah, waxana ay ka koobnaayeen illaa 8 qof.
Saraakiisha amniga Puntland ayaa sheegey in ay xaalada qiimeynayaan.
Afduubka maraakiibta ayaa aad hoos ugu dhacay kadib hawlgalo laga sameeyey badweynta Hindiya.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post