Salaad Roob doon ah oo Maanta laga tukanaayo Muqdisho iyo Goboladda Dalka.


Salaad roob doon ah oo Alle looga baryaayo in uu abaaraha ka dulqaado Goboladda dalka Soomaaliya ayaa saakay  laga oogay Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada Dalka.
Salaadaan oo Alle looga tuugayo in uu dadka Soomaaliyeed ee Abaaraha ay heystaan uu ka dulqaado abaaraha iyo cudurada ayaa waxaa ku baaqay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Maxamed Farmaajo asaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Alle bari Sameeyaan isla markaana ay dukadaan Salaaad roob doon ah.
Qabanqaabada oogida Salaada roobdoonka ayaa saakay ka socoto magaalooyin badan oo ka tirsan dalka oo ay ka mid tahay Magaalo madaxda Soomaaliya ee muqdisho.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post