Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Britain


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta garroonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kula kulmay Xoghayaha Arimaha Dibadda ee dalka Ingiriiska Boris Johnson oo saaka soo gaaray gudaha dalka.
Xoghayaha oo saaka socdaal aan horay loo sii shaacin ku yimid Muqdisho,waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya
Madaxweynaha iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wadahadleen, arrimo dhowr ah oo ay ku jiraan xoojiinta xiriirka laba dal ,dardargalinta taageeerada wax ku oolka ah ee Ingiriisku siiyo dowladda Soomaaliya iyo taakuleynta howlaha samofal ee xaaladda abaareed ee ka jirta dalka.
Kulankaasi waxaa sidoo kale looga hadlay ,shirka London ee bisha May ka dhici doona, kaas oo la xiriira arrimaha Somalia.

Author: Liban Farah

Editor of Faafiye.com
Host of Faafiye Show
I can be reached by Email at editor@faafiye.com

Share this post