7 Ciyaartooy oo cameroon uga qeyb gashay Olympics ka oo la la yahay.

Published on August 10, 2012 by   ·   No Comments


7 Ciyaartooy oo u dhalatay Dalka Cameroon ayaa la la yahay meel ay ka baxeen kadib markii la sheegay in ay ka baxsadeen xerada Olympics ka London.

Todobadan ayaa waxeey kala ahaayeen dhamaan kooxdii Feeriyahanada (Boxing) Iyo ilaa badh kooxdii dabaasha (Swimming Team).

Wararku waxeey sheegayaan in ay ciyaartooydaas ku tala jiraan in ay iska dhiiban dalkaas Ingriiska amaba ugu noolaadaan si sharci daro ah.

David Ojong oo ah agaasimaha kooxdan uga soo qeyb gashay cameroon ciyaaraha , ayaa dowlada Ingriiska warqad yaxyax leh u qoray isagoo ku war galiyay in uusan garanayn meel ay ku dambeeyeen kooxdii dhameed ee siday calanka cameroon, aaminsanyahay na in ay baxsadeen si ay iskaga dhiiban dalka Ingriiska .

ciyaartooydan kaliya ma aha kuwa laga shaki qabay in ay baxsan doonaan , waxaa baryahan laysla dhex marayay xan ku saabsan ciyaartooydii labada ahaa ee uga qeyb galay Olympics ka Wadankeena Somaliya , wararkaas oo sheegayay in ay labada Ciyaartooy is dhiiba doonaan .

Maxamed Xassan iyo ZamZam Maxamed Faarax ayaa la sheegay in ay ku tala jiraaan in ay weeydiistaan dowlada Ingriiska magangalyo ama Assylum.

SUAAL?

Ma in lala yaabaa Zamzam iyo Maxamed mar hadeey ciyaartooy ka timi wadamo nabad ka jirto sida Cameroon iyo kuwa kale is dhiibeen ???

Liiban Faarax 

Minneaplolis .


Related posts:

COMMENTS (0)

Comments are closed.

Faafiye.com
FAAFIYE.COM

Warbixin

Latest Article.

Free WordPress Theme