Barlamaanka oo ansixiyay xukuumadda cusub.

Published on November 13, 2012 by   ·   No Comments


Barlamaanka Soomaaliya ayaa Talaadadii Maanta ansixiyay dhammaan tobankii wasiir ee uu magacaabay Ra’iisul-wasaare Cabdi Faarax Shirdoon.

”Barlamaanka ayaa cod buuxa ku ansixiyay xukuumadda cusub kadib markii la tixgaliyay duruufaha adag ee Soomaaliya horyaalla iyo marxaladda nugulka ah ee ay dhex jibaaxayso, iyo waliba markii aan dib u eegid ku sameeynay qorshaha uu soo gudbiyay ra’iisul-wasaaraha iyo xukuumaddiisa,” sida uu Sabahi u sheegay xildhibaan Maxamed Cumar.

Cumar waxa uu sheegay in barlamaanku uu si degdeg ah u anxisiyay xukuumadda si “ay shaqadeeda u qabsato”. Waxa uu sheegay in ay codeeyeen 225 xildhibaan, iyada oo 219 ku codeeyeen ogolaasho, saddex ku codeeyeen diidmo saddex kalena ka aamuseen.

Xukuumadda waa mid ka mida xukuumadihii ugu tirada yaraa ee abid soo mara Soomaaliya waxana ku jira laba haween ah, gaar ahaan haweeneeydii ugu horreeysay ee abid dalka ka noqota wasiirka arrimaha dibadda.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa soo dhaweeyay ansixinta golaha xukuumadda.

“Tani waa dhacdo kale oo taariikhi ah oo ay Soomaaliya higsatay,” ayuu yiri Mahiga. “Magacaabidda liis nadiif ah oo ka kooban toban wasiir waxa ay guud ahaan calaamad u tahay rabitaanka hoggaanka Soomaaliya ee ku aaddan in uu ka gudbo caqliyaddii hore oo uu la yimaado isbaddal wanaagsan.”


Tags:  ,

Faafiye.com
New Somali Movie Sleep Walker
faafiye.com
FAAFIYE.COM

Warbixin

NEWS IN ENGLISH
Latest Article.

Woman of lies . watch documentary

Warkii ugu dambeeyay
Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Majaajilistaha Caanka ah AbdihakinBR oo soo saaray ...
Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

fuad1

Maxaa keenay ineey Fanaaniinta Somaaliyeed baryahan sheegtaan heeso aysan leheen.

Fanka Soomaaliyeed wuxuu soo maray heerar kala ...
houton

Whitney Houston has died.

Legendary pop singer Whitney Houston was found ...
E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker

E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker .

The movie Sleep Walker  is expected to ...
dalmarkabo1

Fannaaniinta Farxiyo Kabayare iyo Dalmar Yare oo Hees Cusub Soo Saaray

Fannaanadda Farxiyo Kabayare iyo Fannaanka Dalmar Yare ...
Cabdi-Tahliil

Fanaanka Cabdi Tahliil oo ku Dhaawacmay Muqdisho

Muqdisho – Is rasaaseyn sababtay khasaare isugu ...
.Warka
Weboy