Ciidamada Puntland oo weerar ku qaaday koox burcadbadeed ah degmada Garacad

Published on December 12, 2012 by   ·   No Comments

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo dhdexmaray kooxo burcadbadeed ah iyo Ciidamada badda Puntland,dagaalkani ayaa waxaa uu ka dhacay xeebta degmada garacad ee gobolka Mudug.

 inkasta oo aan la ogaan karin qasaraha dhabta ah ee dagaalkan ayaa waxaa warbaahinta la hadlay gudomiye ku xigeenka Gobolka mudug ee Puntland Axmed Muuse ayaa sheegay in ay dagaal la galeen koox burcad badeed ah oo degmada garacad markab ku heystay muddo sanado ah.

 
Mudane Axmed Muuse ayaa intaasi raaciyay in ay dileen 3-ka tirsan kooxda burcadbadeeda ah,isagoona qiray in uu jiro qasaare gaaray markabka ay saarnaayeen kooxdan oo muddo u afduubnaa,balse uusan Cadeyn karin inta uu la egyahay.
 
Dad deegaanka ku dhaqan ayaa warbaahinta u sheegay in ay arkeen diyaaradaha dagaalka ee ay leeyihiin Ciidamda Sarecen oo taageero dawlada Puntland,waxaana ay intaasi raaciyeen in qasaare soo gaaray dadka degmada ku dhaqan balse hadda aan la cadeyn karin.
 
Markabka kooxdani muddada sanadaha ah ay heysteen ayaa la sheegay in laga leeyahay dalka yaman,iyadoo sidoo kale ay jiraan shaqaale farabadan oo ku jiray muddadas gudaha markabkani oo ku xirnaa degamda garacad ee gobolka Mudug.

 

Faafiye.com
New Somali Movie Sleep Walker
faafiye.com
FAAFIYE.COM

Warbixin

NEWS IN ENGLISH
Latest Article.

Woman of lies . watch documentary

Warkii ugu dambeeyay
Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Majaajilistaha Caanka ah AbdihakinBR oo soo saaray ...
Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

fuad1

Maxaa keenay ineey Fanaaniinta Somaaliyeed baryahan sheegtaan heeso aysan leheen.

Fanka Soomaaliyeed wuxuu soo maray heerar kala ...
houton

Whitney Houston has died.

Legendary pop singer Whitney Houston was found ...
E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker

E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker .

The movie Sleep Walker  is expected to ...
dalmarkabo1

Fannaaniinta Farxiyo Kabayare iyo Dalmar Yare oo Hees Cusub Soo Saaray

Fannaanadda Farxiyo Kabayare iyo Fannaanka Dalmar Yare ...
Cabdi-Tahliil

Fanaanka Cabdi Tahliil oo ku Dhaawacmay Muqdisho

Muqdisho – Is rasaaseyn sababtay khasaare isugu ...
.Warka
Free WordPress Themes