
Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in ciidankoodu ay xalay dileen saddex ka tirsan al-Shabaab, shan kalena ay dhaawaceen kaddib markii weerar lagu soo qaaday.
Wasiirka warfaafinta ee Puntland Maxamuud Ceydiid Dirir ayaa sheegay in ciidankooda weerar lagu soo qaaday meel 40KM u jirta magaalada Boosaaso.
Waxa uu sheegay in hal askari dhinacooda uu uga dhintay dagaalkaasi.
Ciidamada Puntland ayaa intii muddo ah dagaal kula jiray wax ay ugu yeeraan argagaxiso buuraha Galgala.
