DHAGEYSO: Madaxweyne Xasan oo u warramay BBC.

Published on December 16, 2012 by   ·   No Comments


Madaxweyne Xassan Sheikh MaxamudMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in waxyaabaha ay ahmiyadda siiyeen ay ugu horreysay ammaanka qaranka isla markaana ay ku guuleysteen in ay qaadaan 60 baro koontarool oo sharci darro ahaa kuwaas oo yiilay gudaha magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa waxa uu ka hadlay arimo kale.

Madaxwaynaha oo u waramayay weriyaha BBC Maxamed Ibraahim Macalimuu, ayaa sheegay in aanu jirin wax khilaaf ah oo u dhexeeya dowladdiisa iyo Kenya ayna ka mid yihiin dalalka u soo diray ciidamada Soomaaliya waxaana uu intaa raaciyay in mashquul shaqo awgii ay dib uga dhaceen safar uu ku tagi lahaa Kenya, balse uu dhawaan dalkaasi booqan doono.

Mar la weydiiyay in wax wadahadal ah ay la galayaan al-Shabaab waxa uu sheegay in al-Shabaab ay isugu jiraan saddex qeybood labo qeybood oo Soomaali ah iyo qeyb ajnabi ah waxana uu sheegay kuwa ajnabiga ah in sinnaba uusan uga dhaxeyn wadahadal oo kaliya ay u furan tahay in ay dalka a isaga baxaan laakiin labada qeybood ee kale waxa uu sheegay cidii hubka iska dhigta ee nabad wax ku dooneysa in ay xaq u leeyihiin in ay bulshada dib ula midoobaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxa kale oo uu sheegay in uu ku rajo weyn yahay in ay dib u amba qaadaan wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda iyo Somaliland shaqsi ahaana uu filayo in natiijo wax ku ool ah ay ka soo bixi doonto.

Dhinaca dhaqaalaha ay dowladdu ku tiirsan tahay waxa uu sheegay in ay ugu weyn tahay dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdishu iyo sidoo kale suuqyada magaalada taas oo uu sheegay in hadda ay horumarinayaan, waxana uu sheegay in sidoo kale ay jiraan qurbo joog Soomaaliyeed oo lacago toos ugu soo dira bangiga dhexe ee Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda.


COMMENTS (0)

Comments are closed.

Daawo Video: Gabaygii BILAD ee Abwaan Abdiaziz OSman Dahireeto.

Daawo Video: Gabaygii BILAD ee Abwaan Abdiaziz OSman Dahireeto.

ABWAANKIII QARNIGAAAN ABWAAN ABDIAZIZ OSMAN DAHIREETO ) WAXA UU ...
img_0561-1.jpg

Breaking News: Abdi Warsame iyo Tarjubaanada Somaaliyeed Oo Guul Weyn Soo hoyay.

Minneapolis: Gudoomiyaha degmada 6’aad Mudane Abdi Warsame ...
img_0458-1.jpg

6 Caruur iyo ayeeyadood  oo lagu dilay Shalaambood.

   Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Adan Cali ...
img_0457-1.jpg

Boqolaal Somali tahriibyaal oo ku dhintay bada u dhexeeysa Liibiya iyo Masar.

   Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay geerida ...
img_0438-3.jpg

Wiil Soomaali ah oo qirtay inuu doonayay ku biirtaanka kooxda Daacish.

   Wiil Soomaali-Ameerikaan ah, oo degan gobolka ...
img_0441-1.jpg

Puntland oo Mamnuucday Baabuurta Muraayadaha Madow.

      Maamulka Puntland ayaa maanta soo saaray amar ...
img_0440-1.jpg

Maxkamad ku taal Faransiiska oo Xabsi ku xukuntay Toddobo Soomaali ah.

   Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku eedaysnaa burcad-badeednimo ayaa ...
img_0439-1.jpg

Soomaaliya iyo Suudaan oo kala saxiixday heshiis horumarineed.

   Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan ayaa maanta kala ...
img_0429-1.jpg

Mareykanka oo duqeymo ka fuliyay Koonfurta Soomaaliya.

   Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa sheegtay in diyaaradaha ...
img_0428-1.jpg

Ciidamada Barre Hiiraale oo lagu wareejiyay AMISOM.

   Ilaa 50 askari oo raacsanaa Col.Barre Aadan ...
Premium WordPress Themes