Katongo oo ku guuleystay abaalmarinta BBC

Published on December 17, 2012 by   ·   No Comments

Christopher Katongo ayaa ku guuleystay abaalmarinta Cayaaryahanka Afrika ee BBC ee sanadka 2012.

Cayaaryahankan 30 jir ka ah ee reer Zambia, waxa uu ka guuleystay Demba Ba, Didier Drogba, Younes Belhanda iyo Yaya Toure isaga oo noqday cayaartooygii ugu horreeyay ee ku guuleysta abaalmarinta ee ka yimaada koonfurta qaaradda Afrika.

Liiska waxaa sameeyay khubaro dhinaca kubadda cagta oo ka kala yimid dal walba oo Afrika ah, kuwaasi oo xulashadooda ku saleeyay xirfadda, awoodda farsamo, cayaar wanaagga iyo shaqo kooxeedka

cayaartooyga.

Tiradii ugu badneyd ayaa u codeysay online iyo fariimaha telefoonka, in ka badan 40% oo codad ah ayuu helay Katongo, oo u cayaaraha naadiga kubadda cagta ee Shiinaha ee Henan Construction.

Iyadoo cayaartooyda tartameysa uu sanad wanaagsan u ahaa, ayaa haddana Katongo waxqabadkiisi iyo guulihiisi ay taageerayaasha kubadda ee Afrika u arkeen inuu ahaa midka ugu wanaagsan.

Katongo waxaa sidoo kale uu askari ka yahay dalkiisa hooyo, waxaana uu ahaa ninka horkacay kooxda markii ay ku guuleysatay Koobkii ugu horreeyay ee Qaramada Afrika bishii Febraayo.

Waxa uu gacan ka geystay in dalkiisa ku guuleysto koobka Qaramada Afrika

Waxa uu dhaliyay saddex gool intii ay u socdeen cayaarta kama dambeysta oo uu ka dhaliyay Equatorial Guinea iyo Gabon, kadibna waxa uu dhaliyay rigoore cayaartii guusha koobka ay kaga qaadeen Ivory Coast oo 8-7 uga badiyeen.

Waxay u ahayd xilli qiiro leh Zabia, oo ay heshay masiibadii shilka diyaaradeed 19 sano ka hor, markii dayaarad ay saarnaayeen inta badan kooxda qaranka ay ku burburtay meel 500m ka baxsan Libreville, oo ay ku dhinteen 25 rakaab ah iyo shan shaqaale.

Toddobo bilood kadib markii uu si guul ah, Katongo uu ku hoggaamiyay Zambia ayaa mar kale waxa uu noqday nin mucjiso u keenay, markan is reebreebka koobka Qaramada Afrika ayuu gool uga dhaliyay cayaartii ay la lahaayeen Uganda.

Waxaa kale oo Katongo uu dalkiisa kor uga qaaday wajigii adkaa ee ololaha is reebreebka koobka adduunka 2014.

Haddii Katongo uu ku sii wado qaabka uu ku caawiyay dalkiisa iyo weliba midda shaqsiyadeed ee loo aqoonsan yahay waxaa suurtagal ah in Zambia beerka ugu sarreeya uu ka gaarsiin doono cayaaraha Brazil ee dhacaya 18 bilood gudahood.

Related posts:

COMMENTS (0)

Comments are closed.

Faafiye Latest news.
somaliland .

“Taleex Waa Degmo Somaliland Ka Mid Ah “Kornayl Cismaan.

Afhayeenka Ciidanka Qaranka Soamliland Kornayl Cismaan Cabdilahi ...
faafiye.com
.
image

Bishop arrested with home-made bomb in Nairobi.

A bishop and a quarry worker were ...
Faafiye Latest news.
image

Meydka 7 carruur oo laga helay Utah.

Haweeney u dhalatay gobolka Utah ee dalka ...
Faafiye.com
FAAFIYE.COM

Warbixin

NEWS IN ENGLISH
Latest Article.

Warkii ugu dambeeyay
1297534322952_ORIGINAL

Report: Lupita Nyong’o Dating Somali Rapper K’Naan.

*Her famous photobombing brother Peter may have been her ...
Captain Philips 4

‘Captain Phillips’ trailer: Somali actor Barkhad Abdi sparks supporting Oscar buzz.

A new trailer for the upcoming film ...
Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Majaajilistaha Caanka ah AbdihakinBR oo soo saaray ...
Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

fuad1

Maxaa keenay ineey Fanaaniinta Somaaliyeed baryahan sheegtaan heeso aysan leheen.

// // Fanka Soomaaliyeed wuxuu soo maray ...
houton

Whitney Houston has died.

Legendary pop singer Whitney Houston was found ...
E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker

E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker .

The movie Sleep Walker  is expected to ...
dalmarkabo1

Fannaaniinta Farxiyo Kabayare iyo Dalmar Yare oo Hees Cusub Soo Saaray

Fannaanadda Farxiyo Kabayare iyo Fannaanka Dalmar Yare ...
Cabdi-Tahliil

Fanaanka Cabdi Tahliil oo ku Dhaawacmay Muqdisho

Muqdisho – Is rasaaseyn sababtay khasaare isugu ...
.Warka
WordPress Blog