Laba Kenyan ah oo loo heysto rag ONLF ah.

Published on February 10, 2014 by   ·   No Comments

Onlf afduub

Waddanka Kenya laba nin oo baliis ayaa maxkamad ku eedeysay in ay ku lug lahaayeen afduubka laba sargaal oo ka tirsan jabhadda ONLF.

Labada nin ee ka tirsan booliska ayaa waxa lagu soo dacweeyey in ay Nairobi ka afduubeen Ali Ahmed Hussein iyo Sulub Abdi Ahmed oo ay geeyeen magaalada Moyale ee dhinaca dalka Itoobiya.

Waxayna ahayd markii labaad oo ay maxkamadu soo qaado dacwadooda waxaana midkiiba lagu sii daayey dhaamad dhan laba milyan oo shilinka kenya oo u dhiganta ku dhowaad 24 kun oo doolar.

Afduubka ayaa waxa la sheegay in uu ka dhacay hutel ku yaala magaalada Nairobi 26-kii bishii hore ee January, waxaana lagu eedeeyey sarakiishan in labada nin ay baabuur ku kaxeeyeen kaddibna ay ku wareejiyeen saraakiisha Itoobiya.

Labada nin ee la afduubay oo kala ah Ali Ahmed Hussein iyo Sulub Abdi Ahmed ayaa waxay ahaayeen saraakiil sare oo katirsan ONLF waxaana la sheegay in ay u joogeen Nairobi si ay uga qeyb qaataan wadahadalada u dhaxeeyey Itoobiya iyo Ururka ONLF.
Mid ka mid ah dhaxdhxaadiyaasha ayaa   sheegay in qorshuhu uu ahaa in wadahadalada oo la isku mari waayey 2012-kii, lagu waday in ay dib uga bilawdaan Nairobi dhowaan.

COMMENTS (0)




Free WordPress Theme

IMG_0815-0.JPG

Khasaaraha Weerarka Al-Shabab Ku Qaaday Huteelka Maka Al Mukarama.

  Safiirkii Soomaaliya ee dalka Switzerland Yuusuf Maxamed ...
amal-_2921296b

Yaab: Gabar Somali-British ah oo Gaalo noqotey

https://www.youtube.com/watch?v=E3t0mVM8tNM Gabar Somali-British ah oo noqotey gaalo ama ...
IMG_0809-0.JPG

Kenya oo Darbi ka Dhisaysa Xadka Somalia.

  Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa darbi ay ka ...
IMG_0807.GIF

Soo saaridda meydadkii diyaaradda Airbus 320 oo muddo qaadanaysa.

Diyaaradda Airbus 320 ayaa talaadadii ku dhacday ...
qish5

Daawo Sawirada” Dalka India oo kaalinta koowad Caalamka ka gashay Qishka Imtixaanada xarumaha waxrashada

Inta badan Webseedyada ...
berlin-wall-and-watchtower-at-gedenkstc3a4tte-berliner-mauer

Dowlada Kenya oo shaacisay xiliga ay bilaabeyso dhismaha Darbi laga dhisayo Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah shaaca ...
IMG_0766-0.JPG

Jaziiradda Kudhaa oo al-Shabab laga Qabsaday.

  Cidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM oo ...
IMG_0765.JPG

Sarkaal Sirdoonka Puntland ah oo la Dhaawacay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Puntland iyo ...
IMG_0719-0.JPG

Soomaliya Iyo Qadar oo Heshiisyo Kala Saxiixday.

  Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta magaalada ...
IMG_0718.JPG

Askar US oo ay Daacish u hanjabtay.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in ay si ...
WordPress Themes