Labo DUMAR oo Nin isku Qabsaday oo sababay FADEEXADII ugu weyneed C.I.A .

Published on November 12, 2012 by   ·   No Comments


Hogaamiyihii Waaxda sirdoonka Dalka Mareekanka ee C.I.A  ayaa waxaa ku dhacday Fadeexadii ugu weeyneed ee ku dhacda qof ka tirsan Waaxdaas Tan iyo markii la aasaasay Sanadlii 1947.

David Petraeus ayaa waxaa ku dhacday fadeexad aad u weeyn kadib markii la ogaaday in uu sameeyay fal gogol dhaaf ah , Falkaas ayaa waxaa uu la sameeyay qof dumar ah oo ka qoreeysay Buug Taariikh Nololeedkiisa ku saabsan .

Paula Broadwell oo da’ deedu tahay 40 Jir ayaa waxay la shaqeeyneeysay Ninkan mudo dheer , Shaqada caadiga ah oo lagu ogaa ayaa waxeey eheed in ay wax ka ogaato Nolasha David Petraeus si ay Buug ku saabsan Nolashiiisa u qorto laakin waxaa soo baxday in shaqadaas ay u dheereed xiriir hoose ay la sameeysan Hogaamiyahan .

Wuxuu  Xiriirkan  socday mudo dheer,  laakin cabaar  ka dib ayaa waxaa soo kala dhex gashay labadan Qof  kaloo dumar ah , oo iyadana la sheegay in ay xiriir la leheed David Petraeus .

Qoftii  Paula Broadwell ayaa kadib markeey ogaatay xiriirkan  uu la leeyhay gabadhan kale David Petraeus   aad u maseertay , waxeey biloowday in ay dagaal iyo hanjabaad ku qaado qoftii kale .

Waxeey u qortay E-MAIL Badan oo hanjabaad ah , iyadoo qarineeysa Magaceeda oo iska dhigeeysa qof kale .

Gabadhii labaad oo uu xiriirka la lahaa  David Petraeus ayaa inteey aad u cabsatay oo nafteeda u baqday ayeey E-mail’s Kii loo soo qoray waxeey u gudbisay qof ay saaxiibo ahaayeen oo u shaqeeya waaxda baaritaanka ee FBI .

Qofkii FBI da ka tirsanaa ayaa bilaabay baaritaan , wuxuu dib u raacay meeshi laga soo diray E-mails ka, ilaa Computer kii laga soo diray ayuu soo ogaaday kadibna sidaas ku soo helay Magaca Paula Broadwell.

Waxeey F.B.I du u dhacday Computer ka Paula Broadwell kadibna ay bilaabeen in ay akhriyaan E-mails iyo qoraalo badan ay qortay qoftan.

Baaritaankii wuxuu socdo ayeey F.B.I du BiIaabeen in ay akhriyaan E-mails ay is dhaafsanayeen David Petraeus oo ah Hogaamiyaha C.I.A da iyo  Paula Broadwell , waxeey arkeen qoraalo badan ay labadan ka hadlayeen wax yaabo badan oo aad u fool xun.

waxeey ogaadeen in  Paula Broadwell iyo  David Petraeus in uu ka dhexeeyo xirii gogol dhaaf ah .

Dhacdadan ayaa waxeey ka yaabisay shacabka Mareekanka iyagoo la yaabay sida lagu soo ogaan karo wax yaabaha uu sida sirta ah u sameeyay Ninkan ka tirsan ama ah Hogaamiyaha C.I.A da.

Waxaa C.I.A da lagu yaqaana in aan si dhib yar lagu ogaan sirta waaxdaas ama qof ka tirsan.

David Petraeus ayaa iska casilay shaqadiisii kadib markii ay dhacdadan soo shaac baxday.

Liban Faarax

Minneapolis 


COMMENTS (0)




WordPress Blog

img_0701-1.jpg

Raiisulwasaaraha Britian oo xilka iska casilaya.

Ra’iisul-wasaaraha Wadanka Britain, David Cameron, ayaa shaaciyay ...
img_0699-1.jpg

Ingiriiska oo isaga baxay midowga Yurub.

London-Waddanka Ingiriiska ayaa isaga baxay ururka midowga ...
img_0698-1.jpg

Britain oo afti u qaadaysa xubinnimadeeda Midowga Yurub.

Shacbiga dalka Britain ayaa maanta oo Khamiis ...
img_0696-1.jpg

Gado: Afar carruur ah oo lagu dilay duqayn diyaaradeed.

Afar carruur ah ayaa lagu soo warramayaa ...
img_0692-1.jpg

Taliyihii NISA ee Sh/dhexe oo la aasay iyo gacan ku dhiiglihii dilay oo la soo bandhigay+Sawirro

Allaha u naxariistee Taliyihii Ciidanka Nabadsugida iyo ...
img_0682-1.jpg

Tababare Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Spain.

Madrid-Ciidanka Booliska dalka Dalka Spain ayaa xabsiga ...
img_0681-1.jpg

Taliyihii NISA Ee Gobalka Shabeellaha Dhex Oo La Dilay.

Muqdisho:-Alle ha unaxariistee C.wali Ibraahim Nuur oo ...
img_0680-1.jpg

Shirka madasha wada tashiga Qaran oo maanta ka furmaya Baydhaba.

Baydhabo-Shirka madasha wada-tashiga qaran ee Dowladda ...
img_0675-1.jpg

Shan Saxafi oo Laga Kaxeystay Magaalada Wajaale.

WAJAALE — Wararka ka imanaya Somaliland ayaa ...
img_0674-1.jpg

Magaalada Athens oo hal Masjid ku Oolin.

Iyadoo Bisha barakeysan ee Ramadaanka lagu jiro, ...
WordPress Themes