Maxamed Dheere oo Muqdisho ku Geeriyooday.

Published on November 15, 2012 by   ·   No Comments


Maxamed Cumar Xabeeb (Dheere) ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaalka Xalane ee degmada Wadajir oo ay maamulaan ciidamada AMISOM.

Alle ha u naxariistee, Maxamed Dheere waxa uu horay u soo noqday duqii magaalada Muqdisho iyo Guddoomiyihii gobolka Banaadir, isaga oo intaas ka horna ahaa guddoomiyihii gobolka Shabeellada Dhexe.

Waxa magaciisu uu aad uga dhex muuqday dawladdii uu madaxweynaha ka ahaa marxuum Cabdulaahi Yuusuf Axmed. Maxamed Dheere waxa uu kursigii xildhibaanimo u banneeyey Prof. Cali Maxamed Geeddi si Geeddi uu u noqdo Ra’iisal Wasaarihii Somalia. Xiligaas waxa xukuumadda xil ka qaban karay xubnaha baarlamaanka oo kaliya, sababtaas ayeyna ahayd tii uu marxuur Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) kursigiisii ugu banneeyey Prof. Geeddi.

Wararka geeridiisa ku saabsani waxay sheegayaan in lagu waday in magaalada Nairobi maalintii shalay ahayd loo duuliyo, hase yeeshee, dayuuradii qaadi lahayd laga waayey neeftii Oxygen-ta, sidaas darteed uu ugu sii nagaaday cisbitaalka Xalane, maantana uu halkaas ku geeriyooday.


Tags:  , , ,

Faafiye.com
New Somali Movie Sleep Walker
faafiye.com
FAAFIYE.COM

Warbixin

NEWS IN ENGLISH
Latest Article.

Woman of lies . watch documentary

Warkii ugu dambeeyay
Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Majaajilistaha Caanka ah AbdihakinBR oo soo saaray ...
Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

fuad1

Maxaa keenay ineey Fanaaniinta Somaaliyeed baryahan sheegtaan heeso aysan leheen.

Fanka Soomaaliyeed wuxuu soo maray heerar kala ...
houton

Whitney Houston has died.

Legendary pop singer Whitney Houston was found ...
E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker

E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker .

The movie Sleep Walker  is expected to ...
dalmarkabo1

Fannaaniinta Farxiyo Kabayare iyo Dalmar Yare oo Hees Cusub Soo Saaray

Fannaanadda Farxiyo Kabayare iyo Fannaanka Dalmar Yare ...
Cabdi-Tahliil

Fanaanka Cabdi Tahliil oo ku Dhaawacmay Muqdisho

Muqdisho – Is rasaaseyn sababtay khasaare isugu ...
.Warka
Premium WordPress Themes