NIN ka soo Qeyb Galay Tacsidiisii ama Aaskiisii . Ma dhici Karto ?? Weey dhacday.

Published on October 25, 2012 by   ·   No Comments



Nin Magciisa la yiraahdo Gilberto Marcos Araujo ayaa shacab badan oo ka soo qeyb galay Tacasidiisi ku sababay in ay kala cararaan kadib markuu isagoo socoda ka soo qeyb galay Tacsidii loo dhigay .

Ninkan oo u dhashay wadanka Brazil ayaa waxaa lagu xisaabayay in uu yahay qof ku jiray sanduuqa meeydka oo ay shacabkaas maanta dhan ku Tukaneeyeen laakin Markuu dhinaca kale ka soo galay kaniisadii isagoo socda ayeey kala carareen asxaabtii meeshaas u timi in ay ka soo qeeyb gasho tacsidaas .

Bal sideey beey wax u dhaceen ?

Gilberto Marcos Araujo waxaa weeye Nin 41 Jir ah oo ay shaqadiisu tahay dadka Baaburta dhaqa , waxaa dhacday maalin maalmaha ka mid ah in walaalkiis oo la yiraahdo Jose Marcos Araujo ay Booliska magaalada soo waceen kuna war galiyeen in uu dhintay oo la toogtay Gilberto Araujo kadibna laga codsaday in uu aado Guriga meyda lagu xafido si uu usoo hubiyo in ninka la dilay uu yahay walaalkiis.

Ninkii Jose Marcos Araujo ahaa ayaa aaday meeshii uu yaalaay meydkii, kadibna markuu arkay xaqiijiyay in uu yahay walaalkiisii Gilberto Araujo. Wuxuu kadibna isagoo murugeeysan soo aaday dhinicii gurigoodi si uu u wargaliyo dhamaan eheladii iyo qaraabadoodii .

Qoyskii uu ka dhashay Gilberto Araujo ayaa Murugo la soo daristay iyagoo markeey maqleen geeridiisa oohin afka furtay , Hooyada dhashay Gilberto Araujo ayaa Maalmo badan la murugeeysneed geerida ku timi wiilkeeda iyo sida naxariis darada ah oo raasaasta loogu dilay .

Qoyskii waxeey ooyaanba waxeey bilaabeen abaabul Tacsi in loo dhigo wiilkoodii dhintay , waxay isugu soo yereen dhamaan ehelkoodii iyo intii taqaanay Gilberto Araujo.

Waxaa la qababan qaabiyay Tacsidii iyagoo bixiyay dhamaan lacagtii ay ku soo qoreen dadka guryaha meeyda la dhigo iska leh , iyagoo ka soo qaaday meydkii meeshaas kadibna keenay meel kaniisad ah si ay ugu tukadaan kadibna ay u aasaan .

Kaniisadii la soo dhigay meydkan oo sanduuq ku jiray ayaa waxaa soo buux dhaafshay dad fara badan , kadibna waxaa sii toos ah u bilaabatay ducadii iyo in lagu dul wareego sanduuqa meydka oo furan .

Hadaba saacado yar iyadoo ka har san tahay in Meydkaas la aaso ayaa waxaa dhacday in Ninkii la oran jiray Gilberto Araujo oo socda magaalada dhexdeeda in ay is karaan nin ay saaxiibo ahaayeen , Ninkii oo Naxsan ayaa soo abaaray Gilberto Araujo isagoo argagaxsan ayuu ku Yiri ,,,

War heedhe Miyaadan dhiman ?

Gilberto Araujo ayaa suaashii saxibkii weeydiiyay intuu la yaabay , ku yiriwar waa maxay suaashaad i weeydiineeysid (Naw)”

Ninkii saxiibkii ahaa ayaa usheegay in Familkiisii ay hada ka buuxan Kaniisad iyagoo qaban qaabina isla aaska Gilberto Araujo.

Gilberto Araujo intuu yaabay ayuu soo abaaray gurigoodii oo ay ugu dambeeysay mudo 4 bilood ah , wuxuuna yimi gurigii oo cidla ah .

Maskaxda markuu ka shaqeeysiiyay ayuu ogaaday in qoyskiisii ay aadeen Kaniisada kaliya ee ku taalay Magaaladaas , isla markiina soo aaday dhincii Kaniisada .

Socod yar kadib Gilberto Araujo wuxuu soo galay Kaniisadii isagoo socda , Dhinacna ka istaagay meeshi dadku buuxeen oo ay ku mashquulsanayeen aaska iyo ducada meydka meeshaas yaalay , xooga markuu fiiriyay siday wax u socdeen , uuna arkay islaantii hooyadiis eheed oo iska ooyeesa , ayuu Gilberto Araujo afka furtay isagoo leh ”Hooyo hooyo , waa ikan ma dhiman ” .

qeyladiisii ayaa waxaa ku soo jeestay shacabkii meeshaas isugu yimid si ay uga qeyb galaan wax ay u heeysteen Tacsidii Gilberto Araujo.

Dadkii meesha Joogay markeey arkeen ninkan oo qeylinaya oo ku soo socda ayeey qaar cagta wax ka dayeen , iyagoo qaarna ay isla meeshii ku suuxeen .

Intii carartay ayaa waxeey isku qabsadeen ALBAABKA , iyadoo nin ba ninkuu ka xoog badnaa ku tuntay si uu uga baxo meeshan REER AAKHIRADKA socda soo galay.

Sheekadii ayaa waxeey qabsatay magaaladii oo dhan ,, shacabkii ayaa waxaa iskugu darsamay Naxdin iyo Yaab .

Qalalaasihii kadib iyo markii intii suuxday ay soo kaceen , intii carartayna ay dib ugu soo noqdeen Meeshii ayaa waxaa biloowday hadal .

Gilberto Araujo wuxuu dadka u sheegay in uusan dhiman ee meesha khalad ka jiro.

Calaa iyo Taxaal , Ninkan waxaa lagu khalday Nin isla Magaaladaas Daganaa oo ay aad isugu egyihiin sida aad sawirka uga jeedaan .

Ninka Meydka ah ayaa waxaa lagu dilay xabad, kadibna markii la soo wacay Walaalka Jose Marcos Araujo uu ku qalday ninkan dhintay Jose Marcos Araujo madaama ay aad isugu ekaayeen .

Tacsidii ayaa isku badashay farxad , Hooyadii Jose Marcos Araujo oo ka murugeysneed waxeey u maleeyneeysay Geerida wiiilkeeda Jose Marcos Araujo, ayaa aad u faraxday markay xaqiiqsatay in wiilkeedii uu noolyahay , Meydka meesha yaaleyna uu yahay qof kale .

Liiban Faarax

Minneapolis

 


Related posts:

COMMENTS (0)

Comments are closed.

Faafiye Latest news.
xukun

Puntland to deport 52 illegal Ethiopian immigrants.

The high court in Garowe the capital ...
faafiye.com
UNFR-300x187

Qaramada Midoobay Oo Ciidamo Gaar Ah Keentay Muqdisho.

Ciidan gaar ah oo ka socda Qaramada ...
.
Faafiye Latest news.
Xasandsh-300x200

Xasan Sh. Maxamuud: Dadka Reer Taleex Xaqbay U Leeyihiin Inay Tashadaan”

Madaxweynaha Somalia Xasan Sheikh Maxamuud ayaa si ...
Faafiye.com
FAAFIYE.COM

Warbixin

NEWS IN ENGLISH
Latest Article.

Warkii ugu dambeeyay
1297534322952_ORIGINAL

Report: Lupita Nyong’o Dating Somali Rapper K’Naan.

*Her famous photobombing brother Peter may have been her ...
Captain Philips 4

‘Captain Phillips’ trailer: Somali actor Barkhad Abdi sparks supporting Oscar buzz.

A new trailer for the upcoming film ...
Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Majaajilistaha Caanka ah AbdihakinBR oo soo saaray ...
Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

fuad1

Maxaa keenay ineey Fanaaniinta Somaaliyeed baryahan sheegtaan heeso aysan leheen.

// // Fanka Soomaaliyeed wuxuu soo maray ...
houton

Whitney Houston has died.

Legendary pop singer Whitney Houston was found ...
E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker

E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker .

The movie Sleep Walker  is expected to ...
dalmarkabo1

Fannaaniinta Farxiyo Kabayare iyo Dalmar Yare oo Hees Cusub Soo Saaray

Fannaanadda Farxiyo Kabayare iyo Fannaanka Dalmar Yare ...
Cabdi-Tahliil

Fanaanka Cabdi Tahliil oo ku Dhaawacmay Muqdisho

Muqdisho – Is rasaaseyn sababtay khasaare isugu ...
.Warka
Premium WordPress Themes