Nin Somali ah oo dilay nin Guri la daganaa -Minneapolis .

Published on May 7, 2012 by   ·   No Comments


Asbuuci la soo dhaafay ayaa Magaalada Minneapolis ee Gobalka Minnesota waxaa lagu dilay nin somali ah oo 27 jir ah .

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdiraxmaan Xaaji Warfaa ayaa waxaa uu dhintay kadib markii uu tooriyey ama uu mindi ku dilay nin isaga qol ay wada daganaayeen .

Ninka dilka geeystay oo ay Booliska Magaalada Minneapolis ka kexeeyeen  gurigaas isagoo ooyaya ayaa Magaciisa lagu sheegay Cabdiraxim Maxamed Jama.

Waxeey wararku sheegayaan in uu dilkaas dhacay kadib markii ay is af dhaafeen labadan nin , kadibna uu ninka wax dilay soo qaatay Tooreey isagoo   la soo aadey ninka la dilay , ka la diley ayaa u heeystay in ay ka tahay kaftan kadibna ku yiri ” bal waakas ee igu dhufo” isagoo qoorta taagaya , kadibna qorta uu ka galiyay Tooreeydii ninkii kale .

Dhalinyaro  kale oo ku sugnaa gurigaas oo ay Booliska wareeysteen  ayaa waxeey sheegen in ay meesha ku cabayeen khamri , kadibna uu soo galay guriga ninka la dilay , waxeey intaa ku dareen in labada nin ay ku murmayeen arin ku saabsan Gabadha uu la socdo Midka la dilay.

Markii uu Booliska wareeystay Cabdiraxim Maxamed Jama oo ah ninka wax dilay ayaa isagu wuxuu sheegay arin ka duwan wixii ay sheegeen nimanka ku sugnaa guriga , isagoo booliska u sheegay in Cabdiraxmaan Xaaji Warfaa uu daaray Radio kadibna u ka codsaday in uu damiyo markuu diiday na ay halkaas ka bilaabeen Muran.

Wuxuu intaa ku daray in ninka uu dilay ku bilaabay dagaal kadibna uu soo qaatay Tooreeyda isagoon ugu talagalin inuu ku dhufto laakin nasiib daro ay kaga dhacday .

Liban Faarax

Minneapolis .


COMMENTS (0)




Premium WordPress Themes

img_0717-1.jpg

Cabdirashiid Khadar oo xabsi daa’in lagu xukumay.

Maxkamad ku taalla magaalada Bristol ee dalka ...
img_0722-1.jpg

Booliska Talyaaniga oo qabtay tahriibiye Soomaaliyeed.

Roma-Saraakiisha Booliiska dalka Talyaaniga ayaa shaaciyay inay ...
img_0720-1.jpg

Maydadka Maleeshiyada Weerartay Naasahablood1 oo la soo bandhigay.

MUQDISHO Afhayeenka wasaaradda Amniga xukuumada Soomaaliya Cabdikaamil ...
img_0712-1.jpg

Sawiro: Qaraxa Hotel Naasa Hablood .

inta la Xaqiijiyay 11 ruux ayaa ku ...
img_0711-1.jpg

Laba Wasiir oo Xilka Laga Qaaday.

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxweynaha ...
img_0705-2.jpg

Daawo Sawirada”Ganacsato lagu dhaawacay magaalada Pretoria.

Tuulooyin hoos dhaca magaala madaxda Dalka K/Afrika ...
img_0701-1.jpg

Raiisulwasaaraha Britian oo xilka iska casilaya.

Ra’iisul-wasaaraha Wadanka Britain, David Cameron, ayaa shaaciyay ...
img_0699-1.jpg

Ingiriiska oo isaga baxay midowga Yurub.

London-Waddanka Ingiriiska ayaa isaga baxay ururka midowga ...
img_0698-1.jpg

Britain oo afti u qaadaysa xubinnimadeeda Midowga Yurub.

Shacbiga dalka Britain ayaa maanta oo Khamiis ...
img_0696-1.jpg

Gado: Afar carruur ah oo lagu dilay duqayn diyaaradeed.

Afar carruur ah ayaa lagu soo warramayaa ...
Free WordPress Themes