9:00 pm - Sunday April 20, 2014

SAWIRO: Nin u LUGEEYAY Xajka 6000- oo Kilo Mitir sanadkan.

1 Viewed editor Comments Off


Nin Magaciisa la Yiraahdo Senad Hadzic oo u dhashay Wadanka Bosnia ayaa Sanadkan Gudanaya Xajka Kadib Markii uu Lug Ku yimid  Makkah isagoo soo Lugeeyay 6000- Killo Mitir .

Ninkan ayaa Umada caalamka  la Yaaben arintan uu sameeyay.

 Waxaa uu Safarkan Soo Bilaabay Bishii December (12) ee Sanadkii 2011 isagoo soo gaaray Magaalada Barakeeysan ee Makkah Maalintii  Sabtida,   isaga oo diyaar u ah in uu Guto Xajka iyo dawaafka Sanadkan .

Single content advertisement top

 Senad Hadzic oo Da”diisu Tahay 47 jir ayaa waxaa uu sheegay sababta uu arintan u sameeyay in ay tahay Madaama uusan heeysan ama awoodi karin Lacag uu ku Bixiyo Tikid Diyaarad Laakin uu GOAL kiisu ahaa in uu sanadkan dhaafin Xajka .

Kadib markuu Bilaabay Safarkan ayaa sheekadan waxaa Faafiyay warbaahinta Aduunka , kadibna waxaa dhacday in dad badan oo Maal qabeeno ah, oo ay ka mid yihiin Madaxweeyneyaal  Wadamo badan  oo Muslim ah  ay isku dayeen in ay ka Joojiyaan Ninkan Safarkaas Khatarta Badanaa iyagoo u balan qaaday in ay Bixin Doonan wax walba uu u baahan yahay si uu u guto xajka .

Laakin  Senad Hadzic ayaa ka diiday arintaas maadamaa marka ay dadkaasi isku dayeen in ay Joojiyaan uu Ninkan si dhab u balaabay Safarkiisa isagoo jaray boqolaal Kilo Mitir  ama socod ku maray meelo badan .

Senad Hadzic wuxuu safarkan ku qaatay 314 Maalmood isagoo Lug ku maray wadamada  Bosnia, Serbia, Bulgaria, Turkey, Syria Jordan, Kadibna sidaas ku galay Sucuudiga.

Waxaa dhabarka u saarnaa Boorso Miisankeedu ahaa 20 Kilo .

Hadaba Waxaa xusid Mudan Ninkan Markuu Bilaabay safarkan Bishii 12 ee sanadkii La soo dhaafay ee 2011,, ayaa wakhtigaas uu Yahay  wakhtiga Qaboobaha , wadamo Badan oo Yurub Ayaa waxaa ka da’ a Baraf halka uu qaboowgu gaaro meesha ugu hooseeysa .

Ninkan Wadamada  uu lugta ku maray waxaa ka mid ahaa Syria .. Wadanka Syria Sidaan ognahay waxaa ka socda Dagaalo Xoogan , waxaa uu   Senad Hadzic dhex maray Magaalada ay dagaaladaas ugu badnaayeen ee Aleppo , Halkasoo uu sheegay In Mar ay ku qabteen ciidanka dacaada u ah Madaxweyne Bashar Al-Assad  iyagoo  baaray  kadibna siidaayay markuu  u sheegay in uu u socdo Xajka,,, lugna uu rabo inuu  ku gaaro Makka .


 Liban Faarax

Minneapolis

 

Related posts:

Don't miss the stories followWargeyska Faafiye and let's be smart!
Loading...
0/5 - 0
You need login to vote.
Gabar Gar leh

Waligaa Ma aragtay qof DUMAR oo GAR leh .

Wariye-Saakin

Wariyihii Universal TV ee Laascaanood oo la Dilay .

Related posts
Comments are closed