Shariif: Muxuu u iloobay baarlamaanka?

Published on September 11, 2012 by   ·   No Comments

 

Sidii lagu arki jiray wax badan iska ma badalin hadaladiisana laga ma dareemin qof guul daraystay Shariif Sheekh Axmed, madaxweynihii hore ee maamulkii ku meel gaarka. Maadaama hogaanka uu hayay wareegii koobaad, aad ayaa loogu haminayay laakiin guusha ma aysan noqonin dhankiisa.

Khudbadiisa wuxuu ugu mahad celiyay gudiga doorashada, saraakiisha ciidanka, musharraxii la tartamayay iyo qeybo kale oo badan laakiin wuxuu iloobay baarlamaanka.

Mar uu ku dhaw yahay khudbada inuu dhameeyo ayaa wuxuu yiri: “waxaan iloobay baarlamaanka… sababtana waxaan filayaa in aad garan kartiin.” Aad ayaa loogu qoslay hadalkaas kaftanka ah — soo kama wado baarlamaanka waxaan u iloobay wuu i dooran waayay?

Shariif Sheekh Axmed wuxuu si kalsooni leh uu u sheegay doorashada in ay u dhacday si xaq ah xalaalna ah una hogaansan yahay. Wuxuu cadeeyay inuu ku qanacsan yahay wax cuqdad ahna uusan qabin.

Xasan Sheekh Maxamuud, oo guusha isaga ay raacday, khudbadiisa wuxuu ugu horeynba ku bilaabay mahadcelinta baarlamaanka dhammaantood.

Wariyaha Faafiye.com,
Jadmaani — Muqdisho

 

Faafiye.com
New Somali Movie Sleep Walker
faafiye.com
FAAFIYE.COM

Warbixin

NEWS IN ENGLISH
Latest Article.

Woman of lies . watch documentary

Warkii ugu dambeeyay
Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Majaajilistaha Caanka ah AbdihakinBR oo soo saaray ...
Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

fuad1

Maxaa keenay ineey Fanaaniinta Somaaliyeed baryahan sheegtaan heeso aysan leheen.

Fanka Soomaaliyeed wuxuu soo maray heerar kala ...
houton

Whitney Houston has died.

Legendary pop singer Whitney Houston was found ...
E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker

E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker .

The movie Sleep Walker  is expected to ...
dalmarkabo1

Fannaaniinta Farxiyo Kabayare iyo Dalmar Yare oo Hees Cusub Soo Saaray

Fannaanadda Farxiyo Kabayare iyo Fannaanka Dalmar Yare ...
Cabdi-Tahliil

Fanaanka Cabdi Tahliil oo ku Dhaawacmay Muqdisho

Muqdisho – Is rasaaseyn sababtay khasaare isugu ...
.Warka
WordPress主题