Taliyihii Asluubta DF oo la xukumay.

Published on December 10, 2012 by   ·   No Comments

Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidamada DF ayaa Maanta [Dec 08,2012 ] Xukun xabsi daa’in ah ku riday Taliyihii Ciidamada Asluubta Somalia Gen. Cabdi Maxamed Ismaaciil kadib markii lagu eedeeyay inuu xabsiga dhexe kasii daayay Maxaabiis ka tarsan Al-shabaab.

Taliyaha la xukumay ayaan ku sugnayn Maxkamada waxaana hay’adaha amaanka lagu xukumay inay soo qabtaan taliyaha, iyadoo sidoo kale xukun 5-sano oo xabsi ah lagu riday Xasan Axmed Liibiya oo ahaa agaasimaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida oo isagana lagu eedeeyya inuu taliyaha gacan ku siiyay dambiga uu galay.

Gudoomiyaha Maxamada Darajada 1-aad ee Ciidamada DF Col. Liibaan Yaroow oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Taiyaha Ciidamada Asluubta lagu helay dambi lagu soo eedeeyay oo ahaa inuu 14 dagaalyahan oo Al-shabaab ka tirsan uu kasii daayay Xabsiga Muqdisho.

“Maxkamadu waxay go’aansatay inay ku rido Taliyihii Asluubta Xabsi Daa’in, sidoo kalena aanu qaban karin darjo ciidan, waxaana laga qaaday darajadii ciidamada uu ku lahaa” ayuu yiri Col. Yaroow oo warbaahinta la hadlay xukunka kadib.

Sidoo kale Xasan Liibiya ayaa isagana la sheegay in lagu helay dambigii loo haystay, iyadoo maxakmadu ay sidoo kale amar ku bixisay in mid ka mid ah xubnihii Al-shabaab oo lagu magacaabo Muuse Ciise Nuur uu xabsigiisa oo ahaa 8-sano sii wato, iyadoo la sheegay in taliyaha la xukumay uu doonayay inuu sii daayo.

Xukunkan ayaa noqonayaa kii ugu horeeyay oo ay Maxkamada Ciidamadu ku rido Eedeysanayaal uu ku jiro Sarkaal sare oo Ciidamada DF ka tirsan, iyadoo dhowr jeer oo hore la sheegay in xabsiga dhexe laga waayay dad sanado badan lagu xukumay.

Maxkamada Ciidamada DF oo la sameeyay sanadkii hore ayaa waxay xukuno kala duwan ku riday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamo kuwa DF ka tirsan kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan u geystay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

COMMENTS (0)

Comments are closed.

IMG_0815-0.JPG

Khasaaraha Weerarka Al-Shabab Ku Qaaday Huteelka Maka Al Mukarama.

  Safiirkii Soomaaliya ee dalka Switzerland Yuusuf Maxamed ...
amal-_2921296b

Yaab: Gabar Somali-British ah oo Gaalo noqotey

https://www.youtube.com/watch?v=E3t0mVM8tNM Gabar Somali-British ah oo noqotey gaalo ama ...
IMG_0809-0.JPG

Kenya oo Darbi ka Dhisaysa Xadka Somalia.

  Dowladda Kenya ayaa qorsheynaysa darbi ay ka ...
IMG_0807.GIF

Soo saaridda meydadkii diyaaradda Airbus 320 oo muddo qaadanaysa.

Diyaaradda Airbus 320 ayaa talaadadii ku dhacday ...
qish5

Daawo Sawirada” Dalka India oo kaalinta koowad Caalamka ka gashay Qishka Imtixaanada xarumaha waxrashada

Inta badan Webseedyada ...
berlin-wall-and-watchtower-at-gedenkstc3a4tte-berliner-mauer

Dowlada Kenya oo shaacisay xiliga ay bilaabeyso dhismaha Darbi laga dhisayo Xuduuda Soomaaliya iyo Kenya

Dowlada Kenya ayaa si rasmi ah shaaca ...
IMG_0766-0.JPG

Jaziiradda Kudhaa oo al-Shabab laga Qabsaday.

  Cidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM oo ...
IMG_0765.JPG

Sarkaal Sirdoonka Puntland ah oo la Dhaawacay.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Puntland iyo ...
IMG_0719-0.JPG

Soomaliya Iyo Qadar oo Heshiisyo Kala Saxiixday.

  Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa maanta magaalada ...
IMG_0718.JPG

Askar US oo ay Daacish u hanjabtay.

Milateriga Maraykanka ayaa sheegay in ay si ...
Free WordPress Themes