Wariye kale oo la dilay iyadoo saddex kale la aasayo

Published on September 21, 2012 by   ·   No Comments

Wariye ayaa lagu dilay magaalada Muqdisho maanta oo Jimce ah, iyadoo saddex wariye kale la dilay fiidnimadii xalay oo Khamiis ahayd.

Xaalad qalqal iyo jahwareer ayaa soo wajahday saxaafadda Soomaaliya taas oo ka dhalatay dilalka isku xigxigay ee ka dhacay caasimadda.

Xasan Yuusuf Absuge, waxaa wariyayaas la dilay shan daqiiqo ka dib markii uu ka soo tagay xarunta idaacadda uu ka shaqeynayay kuna sii jeeday gurigiis.

Wuxuu ka shaqeynayay Wariye Xasan Absuge idaacadda Maanta, howlwadeenada idaacaddaas ayaa u xaqiijiyay warbaahinta qaabka dilka uu u dhacay.

Lama garanayo sababta loo bar tilmaameedsaday wariye Xasan Absuge, waxaana lagu soo beegay iyadoo loo fadhiyay aaska saddex wariye caan ahaa oo weerar ismiidaamin ahaa lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho.

Mas’uuliyiin, xubno ka tirsan bulshada iyo hey’ado caalami ah ayaa cambeereeyay dilalka wariyayaasha oo ay u muuqato in ay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho.

Wariyaha Faafiye.com,
Jadmaani — Muqdisho

Faafiye.com
New Somali Movie Sleep Walker
faafiye.com
FAAFIYE.COM

Warbixin

NEWS IN ENGLISH
Latest Article.

Woman of lies . watch documentary

Warkii ugu dambeeyay
Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Majaajilistaha Caanka ah AbdihakinBR oo soo saaray ...
Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

fuad1

Maxaa keenay ineey Fanaaniinta Somaaliyeed baryahan sheegtaan heeso aysan leheen.

Fanka Soomaaliyeed wuxuu soo maray heerar kala ...
houton

Whitney Houston has died.

Legendary pop singer Whitney Houston was found ...
E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker

E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker .

The movie Sleep Walker  is expected to ...
dalmarkabo1

Fannaaniinta Farxiyo Kabayare iyo Dalmar Yare oo Hees Cusub Soo Saaray

Fannaanadda Farxiyo Kabayare iyo Fannaanka Dalmar Yare ...
Cabdi-Tahliil

Fanaanka Cabdi Tahliil oo ku Dhaawacmay Muqdisho

Muqdisho – Is rasaaseyn sababtay khasaare isugu ...
.Warka
Premium WordPress Themes