Wasiirada cusub oo la dhaariyay

Published on November 15, 2012 by   ·   No Comments


Xubnaha Xukuumadda cusub ee Soomaaliya ayaa maanta loo dhaariyay xafiiska munaasabad ka dhacday guriga umadda ee magaalada Muqdisho.

Munaasabadda dhaarta xubnaha golaha wasiirada Soomaaliya ayaa waxa goobjoog ka ahaa xubnaha baarlamaanka Soomaaliya iyo Raiisul Wasaaraha.

Waxa ka maqnaa 10 xubnood oo aan la dhaarin Fawsiya Yusuf Xaaji Aadan, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya, oo shalay la sheegay in safar dibedda u baxday.

Wasiirada cusub ayaa waxa lagu dhaariyay kitaabka Quraanka Kariimka, iyada oo uu dhaariyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Ceydiid Cabdullaahi Ilka Xanaf.

Raiisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon oo hadlay kadib markii la dhaariyay wasiirada ayaa waxa uu sheegay in dowladdiisu ay xushmeyn doonto go’aannada baarlamaanka, uuna la tashan doono mar walba oo ay wax ku adkaadaan.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in si wadajir ah, oo caddaalad ku jiryo ay u badbaadiyaan shacabka Soomaaliyeed.


Tags:  , , , ,

Faafiye.com
New Somali Movie Sleep Walker
faafiye.com
FAAFIYE.COM

Warbixin

NEWS IN ENGLISH
Latest Article.

Woman of lies . watch documentary

Warkii ugu dambeeyay
Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Majaajilistaha Caanka ah AbdihakinBR oo soo saaray ...
Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

fuad1

Maxaa keenay ineey Fanaaniinta Somaaliyeed baryahan sheegtaan heeso aysan leheen.

Fanka Soomaaliyeed wuxuu soo maray heerar kala ...
houton

Whitney Houston has died.

Legendary pop singer Whitney Houston was found ...
E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker

E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker .

The movie Sleep Walker  is expected to ...
dalmarkabo1

Fannaaniinta Farxiyo Kabayare iyo Dalmar Yare oo Hees Cusub Soo Saaray

Fannaanadda Farxiyo Kabayare iyo Fannaanka Dalmar Yare ...
Cabdi-Tahliil

Fanaanka Cabdi Tahliil oo ku Dhaawacmay Muqdisho

Muqdisho – Is rasaaseyn sababtay khasaare isugu ...
.Warka
WordPress Themes