Xaalada iyo dagaalada Kismaayo

Published on September 17, 2012 by   ·   No Comments

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa wali kacsan, waxaana ciidanka dowladda ay sheegeen in ay ka gudbeen difaacii ugu dambeeyay ee ciidanka Al-Shabaab.

Ciidanka dowladda oo garab ka helaya ciidanka shisheeye ee AMISOM ayaa isku dayaya in ay gacanta ku dhigaan magaalada Kismaayo si la mid ah sidii ay u qabsadeen magaalooyin gacanta ay ku hayeen ciidanka Al-Shabaab.

Ciidanka Al-Shabaab difaacyo adag ayay ka samaysatay gudaha iyo daafaha magaalada Kismaayo, waxaana dhawr jeer duqeymo kala duwan lagu qaaday magaalada gudaheed si loo burburiyo difaacyadaas.

Ciidanka dowladda ayaa hada waxaa ay sheegayaan in ay ka talaabeen difaacii ugu dambeeyay dhinaca ciidanka Al-Shabaab. Waxaa sheegashadaan ay daba socotaa dagaal dhacay galinkii dambe ee Axadii shalay.

War ka soo baxay ciidanka dowladda ayaa waxaa uu sheegay dagaalkaas in uu uga dhintay labo askari, wuxuu kaloo warkaas sheegay ciidanka Al-Shabaab hada in ay ku sugan yihiin Buulo Guduud.

Ma jiro wax war ah oo dhinaca Al-Shabaab ka soo baxay oo ku saabsan xaaladda magaalada Kismaayo.

Wariyaha Faafiye.com,
Jadmaani — Muqdisho

Faafiye.com
New Somali Movie Sleep Walker
faafiye.com
FAAFIYE.COM

Warbixin

NEWS IN ENGLISH
Latest Article.

Woman of lies . watch documentary

Warkii ugu dambeeyay
Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Daawo: Comedian AbdihakinBR riwaayadii Cuna Waraabaha .

Majaajilistaha Caanka ah AbdihakinBR oo soo saaray ...
Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

Fanaaniinta: Dalmar yare iyo farxiyo Kabayare oo hees kale soo saaray.

fuad1

Maxaa keenay ineey Fanaaniinta Somaaliyeed baryahan sheegtaan heeso aysan leheen.

Fanka Soomaaliyeed wuxuu soo maray heerar kala ...
houton

Whitney Houston has died.

Legendary pop singer Whitney Houston was found ...
E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker

E-slee Films Announces the release of the Movie Sleep Walker .

The movie Sleep Walker  is expected to ...
dalmarkabo1

Fannaaniinta Farxiyo Kabayare iyo Dalmar Yare oo Hees Cusub Soo Saaray

Fannaanadda Farxiyo Kabayare iyo Fannaanka Dalmar Yare ...
Cabdi-Tahliil

Fanaanka Cabdi Tahliil oo ku Dhaawacmay Muqdisho

Muqdisho – Is rasaaseyn sababtay khasaare isugu ...
.Warka
WordPress主题