Madaxweynaha Somalia ayaa Maanta [Dec 20, 2012] Madaxtooyada kula kulmay wasiirka horumarinta Norway iyo wasiirada maaliyada East Timor oo labada mas’uul isagoo kala hadlay adkeynta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkan iyo sidoo loo caawin lahaa Soomaaliya.
Kulamada dhexmaray Xasan Shiikh iyo wasiirrada oo saxaafaddu ay dibad-joog ka ahayd ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warsaxaafadeedyo ay kasoo baxeen Villa Somalia, kuwaasoo looga hadlayo waxyaabihii kulanka lagu soo qaaday.
Madaxweyne Xasan ayaa ka sheegay shirkii uu la yeeshay wasiirka horumarinta dalka Norway Heikki Holmas in Dowladihii soo maray dalka la siiyay dhaqaale fara badan laakiin nasiibdaro aanay jirin wax horumar ah oo laga gaaray, isagoo xusay inaysan jirin Isbitaal ama Iskuul ay Dowladu Maamusho oo shacbka loogu adeego.
Sidoo kale, Xasan Shiikh wuxuu sheegay in dowladdiisa ay u baahan tahay in laga taageero sidii lagu sugi lahaa amaanka, sidoo kalena loo fulin lahaa lixda qodob ee ay dowladdu ka dhiganayso saldhigga howlaheeda.
Dhanka kale, madaxweynaha ayaa ka sheegay kulankii uu la yeeshay wasiirada Maaliyada East Timor Emelia Pires in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay in dhinaca khibradaha dhibaatooyinka dhaqaale ay la wadaagto dalalka ay dhaqaale xumadu ka jirto.
“Soomaaliya waa dal uu ka buuxo khayraad fara badan, laakiin waxaa loo baahan yahay in la helo nabad ay dadku uga faa’iideystaan khayraadka dalkooda ka buuxa” ayuu madaxweyne ka sheegay shirarkan.
Wasiiradii ka socday Norway iyo East Timor ayaa waxay labaduba sheegeen inay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Muqdisho iyo isbedelka dhacay, iyagoo sheegay inay gacan ka siinayaan Soomaaliya dhinacyada khibradaha iyo sidii amaanka lagu soo celin lahaa.
Ayanle Hussien
faafiye team