- Advertisement -

- Advertisement -

Al-Shabaab oo 45 maalmood u qabtay inay isku diiwaangeliyaan odayaasha soo xulay Baarlamaanka.

Bayaan kasoo baxay hoggaanka sare ee Xarkada Al-Shabaab ayaa baaq loogu diray Odayaashii ergada ahaa ee soo xulay baarlamaanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada. 

Bayaankan oo ku qornaa luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa lagu sheegay in Odayaashu ay ku dheceen “Fal gaalnimo ah”, lagana doonayo in ay ka berii noqdaan ficilka ay ku dheceen.

Waxaa loo qabtay muddo 45 maalmood oo ka bilaabaneysa 15-07-2019 kuna eg 01-09-2019-ka, iyagoona lagula taliyay in ay iska diiwaan geliyaan maamullada Wilaayaadka islaamiga ah ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Al-Shabaab waxay ku hanjabtay in Odeygii ka faa’ideysan waaya baaqa ay marin doonaan shareecada islaamka
Bayaanka oo Afsoomaali ku qoran  Halkan RIIX PDF

Leave A Reply

Your email address will not be published.