- Advertisement -

- Advertisement -

Al-shabaab oo War Kasoo Saaray Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

Maleeshiyaadka Al-shaabab ayaa war kasoo saaray Qaraxyadii maanta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Qoraal lagu baahiyay warbaahinta Shabaab ayaa lagu sheegay in mid kamid ah qaraxyadda lagu weeraray Koontaroollada laga galo xarunta Madaxtooyada Soomaaliya,halka midka kale uu ahaa mid loo dhigay Ciidamo Gurmad ah oo ka imaaday dhanka degmadda Boondheere.

“Weerar Ismiidaamin ahaa ayaa lagu beegsaday Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya, waxaana lagu dilay Saraakiil iyo askar ka tirsan ilaalada madaxtooyada iyo xubno kale, daqiiqado kadib ayaa qarax kale lagu beegsaday goob  Paking ah oo isna lala helay ciidamo gurmad ah oo ku soo wajahnaa goobtii uu qaraxii hore ka dhacay,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxyadii saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho,

Leave A Reply

Your email address will not be published.