- Advertisement -

- Advertisement -

Alshabaab oo sheegatay Dilka guddoomiyihii gobolka Nugaal.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar xooggan oo xalay ka dhacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka ‘Puntland’ ayaa xaqiijiyay in weerarka lagu dilay guddoomiyihii gobolka Nugaal Cabdi Salaam Xasan Xirsi oo ku magac dheeraa (Gujir) waxaana ku dhaawacmay sedax sarkaal oo guddoomiyaha la socday.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dadka weerarka ku dhaawacmay uu kamid ahaa taliyihii hore ee Booliska gobolka Nugaal ninka lagu magacaabo Faarax Gallangooli, weerarkan oo xalay fiidkii ka dhacay meel ku dhow saldhigga dhexe ee magaalada Garowe ayaa beegsaday gaari ay wateen guddoomiyaha gobolka iyo saraakiil la socotay.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan lagu dilay mas’uulkii ugu sarreeyay ee maamulka Puntland uqaabilsanaa gobolka Nugaal, Al Shabaab ayaa bilihii dambe sare uqaadday weerarada ay ka geysanayso gobollada waqooyi Bari Soomaaliya.

Leave A Reply

Your email address will not be published.