- Advertisement -

- Advertisement -

Alshabaab oo sheegatay Qaraxii ka dhacay Xarunta Gobalka Banaadir .

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda Qarax galabta ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, kaas oo geystay khasaare xooggan. 

Afhayeenka Alshabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa Idaacada Andalus u sheegay ‘in ‘ ay howlgal si heer sare loo abaabulay ka fuliyeen gudaha xarunta maamulka gobolka Banaadir halkaas oo ay ku dileen dad fara badan.

Abuu Muscab ayaa sheegay in bartilmaameedku ahaa madaxa UN u jooga Soomaaliya, James Swan, kaasoo halkaas uga qeyb galayey kulan uu la lahaa mas’uuliyiin Gobalka Banaadir.
Eygeyga Q.Midoobay uqaabilsan Soomaaliya ayaa si dirqi ah kaga bad baaday weerarka, waxaana la sheegay inuu goobta ka tagay daqiiqado un ka hor inta uusan howlgalku dhicin.

Wararka soo baxaya ayaa tilmaamaya in dadka dhintay badankood ay ahaayeen madaxda iyo saraakiisha maamulka gobolka Banaadir kuwaas oo ka qeyb galayey kulanka halkaas ka socday.

Leave A Reply

Your email address will not be published.