- Advertisement -

- Advertisement -

Bandowga Muqdisho oo Sababay in La Dilo Wiil iyo Haweeney uur Laheyd

Askari ka tirsan Ciidamadda Dowladdda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa magaaladda Muqdisho ku dilay Wiil dhalinyaro ahaa, iyo Haweeney Uur Laheyd xili bandow uu saaran yahay magaaladda.

Falkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Jubba Degmadda Boondheere ee Gobolka banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen goobjoogayaal wiilka la dilay ayaa horfadhiyay gurigiisa oo ku yaala Degmada Boondheere, gaar ahaan Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta,waxaaa u yimid askariga dilka geystay oo ku amray in uu gurigiisa gudaha u galo,balse uu ka dhaga adeegay.

Intaas kadib askariga ayaa Xabado ku furey wiilkii dhalinyaradda ahaa,taasi oo keentay in wiilka uu isla goobta uu ku geeriyoodo.

Sidoo kale xabadihii uu askariga ridey ayaa gudaha guriga u galay Haweeney uur Laheyd oo markii dambe la xaqiijiyay in ay geeriyootay.

Banaanbax ka dhashay dilka loo geystay wiilka dhalinyaradda ahaa iyo Haweeneyda uurka Laheyd,ayaa isla caawa ka dhacay Isgoyska Jubba ee Magaaladda muqdisho.

Leave A Reply

Your email address will not be published.