Dalka Sri Lanka caro xooggan ayaa ka dhalatay kadib markii shirkad ka shaqaysa arrimaha jirdhiska ay soo dhajisay boor weyn oo xayaysiis ah, kuna soo sawirtay fuusto, kadibna lagu qorey erayo lagu durayo dumarka sida “Kani ma ahan qaabka dumarka ay u egyihiin”.

Xayaysiinta ayaa waxaa lagu dhajiyay dariiqyada magaalada Colombo ee caasimadda dalka Sri Lanka, waxaana mas’uul ka ah shirkadda Osmo gym.

Dad badan oo dumar iyo rag isugu jira ayaa baraha bulshada ku baahiyay sawirka boorka, iyaga oo aad u cambaareeyay fariinta, kuna tilmaamay mid lagu bah dilayo dumarka, jirkoodana lagu fadeexeysanayo.

Dadka qaar ayaa ku baaqay in laga baaqsado shirkadda Osmo in adeegyadeeda la isticmaalo.

Shirkadda ayaan  wax talaabo ah ka qaadin arrintan, mana jirto raaligalin ay ka bixisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here