DAAWO VIDEO: Digniin Ku socota Raga bidaarta leh .

Atooraha caanka ah ee reer pakistan Sajid hassan ayaa wuxuu soo dhigay barta Bulshada video naxdin badan isagoo uga digay Raga bidaarta leh ee isku daya ama raba in ay sameeystaan timo FAALSA ah , isagoo u sheegay in ay ka digtoonaadaan arinkaas .

 

Sajid Hassan oo ka mid ah atooreyaasha ugu caansan wadanka Pakistan ayaa sheegay in uu jiray nin Dhakhtar ah oo ay saaxibo ahayeen, ninkaas oo ugu yaraan mudo dhan Sagaal sanadood ku baryayay ama isku dayay in uu ka dhaadhiciyo in uu timiha Beerto ama loo sameeyo Timo FAALSO ah(hair transplant)

Kadib wuxuu sheegay in uu ka diiday in badan laakin nasiib xumo maalmo dhaweed uu ka ogalaaday in lagu sameeyo qaliinka timaha loogu Beerayay .

Wuxuu sheegay Sajid Hassan Qalinkii saacado kadib in uu isla markii uu gurigiisa aaday qabtay Xanuun . Wuxuu wacay Dhakhtarkii isagoo u sheegay in uu aad u liito, Laakin ninkii Dhakhtarka ahaa ayaa u sheegay in Xanuunka haya “Caadi” yahay, Maalmo kadibna uu caadi noqon doono .

Sajid Hassan wuxuu sheegay in uu xanuunkii daan waayey ilaa Markii Dambe uu la Suuxo mudo dhan 15 cisho .

Kadib waxaa madaxiisa qeeybtii la qalay Galay INFECTION .

Sida aad VIDEO ga ka Daawan doontaan Nafta Sajid hada Khatar ayeey ku jirta . Dhawaca Madixiisa soo gaarayna ma yara .

Arintan waa Digniin ku socota Dhalinyarada Badan ee Somaaliyeed ay BIDAARTA weerartay kuwaaso hada baryahan dambe usii Cararay wadanka Turkey halkaas oo laga Furay Cisbitaalka timaha oo loogu magacdaray “IGA QARI Bidaarta”

Naftaada haku waayin adigoo Raadinaya inaad Qarisid Bidaar ama raba in aad soo Beertid timo FAALSA AH .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here