- Advertisement -

- Advertisement -

Dad rayid ah oo ku dhintay duqayn ay Mareykanka ka fuliyeen Afqanistan.

 

Qaramada Midoobay ayaa intaa ku dartay in dadka ku dhintay duqayntani ay badankood yihiin caruur iyo haween.

Weerarkani oo lagu qaaday goob ku taalla gobolka Helmand ayaa dhacay xilli ay howlgal si wadajir ah u fulinayeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa Afqanistaan.

Baaryaasha ayaa sheegaya in caaruur gaaraya 10 iyo 8 haween ah laga yaabo in ay ku dhinteen duqayntaasi.

Saraakiisha Mareykanka ayaa dhankooda sheegay in ay wali baarayaan dhacdadani.

Khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah ee ka dhasha duqaymaha ayaa sare u kacay tan iyo intii ay Mareykanka ku dhawaaqeen istaatijiyada cusub ee Afqanistaan sanaddii aanu soo dhaafnay

Madaxwayne Trump ayaa ciidamo badan u huray Afqanistaan waxa uuna sare u qaaday duqaymaha lala bartilmaameedsanayo Taliban iyo kooxda IS.

Howlgalka NATO ee ay horkacayaan Mareykanka a.yaa waxay sheegeen in weerarkan Talaadadii dhacay uu ahaa mid ay uga jawaabayeen weerar ciidamada gaarka ah ee Afqanistan uga yimid Taaliban degmada lagu magacaabo Garmser.

Qaramada Midoobay ayaa dhankeeda sheegtay in ay diiwaangaliyeen 649 khasaaro dad rayid ah kuwaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray duqaymaha cirka sagaalkii bilood ee ugu horeysay sanadkan.

Waa tiradii ugu badnayd ee khasaaraha rayidka Afqanistan tan iyo intii la bilaabay diiwaangalinta 2009.

Leave A Reply

Your email address will not be published.